Hargeysa(Saxilnews)Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maanta shir jaraa;id ku qabtay xafiiska xisbiga ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ka hadleen go’aanka ay dawlada Sucuudigu ku hakisay xoolihii laga soo dhoofin jirey dhulalka somalida ,waxaana ay dhaliileen jawaabta ay ka bixisay xukuumada Somaliland,sidoo kalena waxa ay ka hadleen ololaha uu xisbiga KULMIYE ka bilaabay magaalada Borama iyaga oona fariin u direy gudida komishanka doorashooyinka Somaliland.
Sidoo kalena xisbiga WADDANI waxa uu canbaareeyey xadhiga ay xukuumadda Somaliland kula kacday laba mujaahid oo maalinkii saddexaad ku xidhan magaalada Hargeysa.
Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa arrimahaasi iyo arrimo kaleba ka hadlay.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
https://www.youtube.com/watch?v=EUxh8685vlw