Ciidanka Booliska Magaalada Hargeysa, ayaa labadan Mujaahid Xasbiga dhigtay doraad iyadoo aan wax waran Maxakamadeed ah loo gayn, ilaa hadda la garan-maayo sababta dhabta ah ka damabaysa xadhiga labada Mujaahid oo maalintii sadexaad ku jira Xabsiga balse waxa loo malaynayaa inay ka damayso kadib markii ay ka haddleen xus loogu baroor-diiqaayey dhalinyaradii ku geeriyootay iska hor imaadkii dhex maray dhalinyaradii taageersanayd xisbigii Xaqsoor iyo ciidamada Booliska Somaliland taasi oo xaflada lagu xusayey ay 7-dii bishan aynu ku jiro ka dhacday Magaalada Hargeysa,isla markaana ay ka qayb-galeen munaasabadaasi kana haddleen halkaasi labada masuul.
Dhanka kalena labadan Mujaajid ayaa lagu sheegay magacyadood Mujaahid Cali Curi Iyo Mujaahid Ibraahin iyadoo saaka la keenay Maxakamadda iyagoo labadood ay katiinatadi iskugu xidhantahay. balse dib loogu celiyey xasbigii dhexe ee magaalada Hargeysa, waxaase xusid mudan in labadan Mujaahid ee xidhani ay ka soo jeedaan gobolka Hawd.
Gabagabadiina xadhigan ay xukuumadda Somaliland kula kacday labadan Mujaahid Ayaanay ila hadda ka hadal xukuumaddu sababta rasmiga ah ee ay xabsiga ugu taxaabtay.