Italy (Saxilnews):- Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Mattarella Paolo Gentiloni ayaa ka
codsaday Wasiirkii Arrimaha Dibada inuu soo dhiso dowlad cusub kadib markii uu toddobaadkii hore iscasilay ra’iisal wasaarihii hore Matteo Renzi.
Mr Gentiloni oo 62 jir ah ayaa ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Mr Renzi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu soo dhiso dowlad cusub.
Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga ayaa inta uusan ku soo biiran siyaasada waxa uu saxafi ka ahaa wargeys ka hadla arrimaha deegaanka, waxana uu noqday xubin ka mid ah baarlamaanka sanadkii 2001.Intii u dhexeysay 2006-08 waxa uu soo noqday wasiirka isgaarsiinta hase yeeshee 2014 ayaa loo magacaabay wasiirka Arrimaha Dibada.
Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday in la dhiso dowlad midnimo qaran ayna ku biiraan dowlada waxayna ku goodiyeen inay qaadici doonaan kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka kaasoo dhacaya maalinta Arbacada ee soo socota waxayna dalbeen in la qabto doorasho.