Hargaysa (Saxil News.com)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Maanta xilkii Wasaarada si rasmi ah ugu wareejisay Wasiirka Cusub ee Wasaaraddaas dhawaan Loo magacaabay Prof. Faarax Cilmi Geedoole.
Madasha xil-wareejinta oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa wax aka soo qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Hormoodka Jaamacadaha kala duwan ee Dalka, Shaqaaleweynaha Wasaaradda, Hay’adaha Wasaaradda ka taageera arrimaha Waxbarashada iyo Marti-sharaf kale oo aad utiro badan, waxana halkaas laga jeediyey Khudbado sagootin iyo soo dhaweyn iskugu jirey.
Agaasimayaasha Wasaaradda Waxbarashada oo Hadalka ugu kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday doorkii hoggaamineed ee Wasiir Samsam Cabdi Aadan, waxana ay xuseen in muddadii ay xilka haysay ay wasaraaddu ku tallaabsatay Waxyaabo aan la ilaawi doonin oo taariikhda galay.
Guddoomiyayaasha Waxbaradaha ee Gobolka M/Jeex qaar kamid ah oo Halkaas ka hadlay, ayaa laftoodu tilmaamay inay wada-shaqayn iyo ixtiraam dheeri ah ku xasuusan doonaan Wasiir Samsam oo muddo dheer soo hoggaaminaysay Wasaaradda Waxbarashada waddanka.
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo Halkaasi ka Hadlay, ayaa ku dheeraaday Waxqabadka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxana uu xusay in Wasiirka cusub ee Wasaaradda iyo Wasiirkii horeba uu Macallin usoo ahaan jirey oo ay wada-shaqayn soo dhexmartay.
Profesorku waxa uu xusay in waxqabadka Wasiir Samsam ahayn wax afka oo kali ah laga sheegi karo, isagoo tilmaamay in muddadii ay xilkaas haysay waxbarashada waddanku meel heer sare ah gaadhay.
Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax oo Halkaas ka Hadlay, ayaa isaguna sheegay in Xafiiska imtixaanaadku xasuusan doono Shaqadii joogtada iyo ahayd iyo sidii hagar la’aanta ahayd ee Wasiir Samsam uloo shaqaysay, waxana uu intaas ku daray in sirta imtixaanku adkayd oo aanay jirin wax imtixaan ah oo dibadda usoo baxay muddadaas.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo mucrofonka lagu soo dhaweeyey ayaa ku dheeraatay abaalka Bahda waxbarashada oo ay tilmaamtay inay ilaa iyo haatan la shaqeeyaan, waxana ay tidhi,
“Imika oo aan wasaaradda Maaliyadda U Wareegay cidda iisoo warrantaa waa Ardaydaydii, qofka wasaaradda Waxbarashada masuul ka noqdaan waxa uu haystaa ciidanka ugu badan waddanka, dadkaas oo haddii aan shaqo wanaagsan iyo niyo wanaagsan tusto wax badan kula qabanaya, waxaas oo horumar ahna maan samayn karayne waxa sameeyey dadka wasaaradda Jooga.”
Wasiirka oo Hadalkeeda sii wadata, ayaa ka codsatay bahdeedii hore inay ugu duceeyaan shaqada culus ee haatan loo dhiibay, waxana hadalladeedii kamid ahaa,
“Wasaaraddani waa wasaarad ducaysan, waxana aan ka codanayaa inay xilkaas iigu soo duceeyaan, waxana aan Wasiirka cusub u sheegayaa in ay tahay wasaarad shaqaalaheedu isjecel yihiin.”
Ugu dambayntii Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Geedoole oo Halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay wasaaradda Cusub ee loo dhiibay oo uu tilmaamay inay tahay Wasaarad uu shaqadeeda yaqaano, waxana uu madaxweynaha uga Mahadnaqay Nidaamka uu u wado wasiirradiisa iyo isku beddelkooda.
Waxa Dhamaadkii munaasibadda Shahaado sharafyo lagu maamuusayo la guddoonsiiyey Maayaradda Magaalooyinka Berbera, Borama iyo Burco oo si fiican uga shaqeeyey arrimaha Waxbarashada.