Kulan Garnaqsi Ah Oo Dhex Maray Madaxweyne Siilanyo Iyo Qaar Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Gobalka Hawd , Muuse Biixi Oo Dalab Soo Hordhigay Iyo Jawaabtii Ay Ka Bixiyeen.

0
21

Hargeysa (SaxilNews):- Ka Hor intii aanu madaxweyne Siilanyo safar ugu bixin dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia waxaa  ilo xog ogaal ah oo soo gaadhaya shabakada Ilaysnews.com ay sheegayaan in kulan garnaqsi ahi uu  ku dhex  maray xarunta madaxtooyada Madaxweyne Siilanyo oo uu weheliyo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye .

 

Siyaasiyiintan  ka soo jeeda beesha Arab gaar ahaan jilibka (Cabdale abakor iyo Sheekh Cismaan ) ayaa waxaa hogaaminaayey siyaasiyiin  , ganacsato iyo masuulyiin xukuumada xilal ka haya oo beeshaasi ka soo jeeda .

xogahan ayaa waxaa ay tilmaamayaan in kulankan oo ahaa mid garnaqasi ah ay  odayaasha beeshu madaxweynaha hor dhigeen sababta gudoomiyaha Kulmiye beeshan loogu wareejin waayey oo ay sheegen in ay iyagu sanadkan xaq u leeyihiin .

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye oo madasha goob joog ka ahaa ayaa inta uu kacay waxaa oo magacaabey mid ka mid ah odayaashi madasha fadhiyey  oo uu ku yidhi hada ma kugu wareejiyaa gudoomiyaha Kulmiye

Odeygii  oo carabaabey gudoomiye Muuse Biixi  ayaa sida ay ilahan xogagaalka ahi xaqijiyiin waxaa uu gudoomiye Muuse Biixi ugu jawaabey ” iminka aniga ha igu wareejinin ee Muusow warbaahinta ka shaaci ” .

Gudoomiye Muuse biixi ayaa waxaa uu odayaashi marl labaad ku celiyey  oo madasha ka yidhi hadlo uu kaga cudur daaranayo in uu warbaahinta arintaasi  wakhti xaadirkan ka shaaciyey

Gabo gabadii odayaasha iyo madaxweynaha oo kulan dheer qaatey ayaa waxaa ay xogahan Ilaysnews.com helayso ay sheegayaan in  ay isla meel dhigeen mansabyo wasiiro ah oo uu madaxxweynuhu u kordhiyo beesha iyo arimo la mid ah oo awoodaha madaxweynaha ah .

Isku soo wada duubo kulankan ayaa waxaa uu ku soo beegamayaa wakhti uu  musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro kursiguu gudoomiyaha xisbigaas uga kacay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here