Xildhibaan Cali Aareeye Iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Hadley Inay Ku Jiraan Liiska Siyaasiyiin Culays Lagu Saarayo Inay Ka Baxaan Xisbiga Waddani .

0
25

Hargeysa (Saxilnews):-  Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa beeniyey, warar sheegaya inay ku jiraan liis xildhibaano Waddani ka tirsan oo ay xukuumadda iyo nin ganacsade ahi ku hayaan olole ay xisbiga kaga saarayaan.

 

XIldhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shirkii gaarka ahaa ee uu Madaxweynuhu Madaxtooyada kula yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Wasiiradda ay isku beesha yihiin, waxa kale oo ay ka hadleen loolanka la sheegay in loogu jiro xilka Guddoomiyaha Kulmiye.

XIldhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ugu horeyn ka hadlaya arrintan ayaa yidhi  “Wax alaale waxa aanu uga baxno Xisbiga Waddani garan mayno, Xisbi kale oo aanu ku biiraynaana ma jiro, waxaanu nahay aasaasayaashii Xisbiga Waddani, ee dhidibada u aasaasay, bud-dhig ayaanu u nahay, tusaale ahaana marka laba qof baratamaan ama wada ordaan, qofka dambeeya wuxuu yidhaahda muruq baa I booday, markaas maantana tartankii Kulmiye iyo Waddani, Waddani baa dheerayey,maxa yeelay Xisbiga Waddani wuu hanaqaaday, waa horseed waanu socdaa, inta aanu guusha u damaashadno ayaanu sugaynaa.”

Xildhibaan Aareeye mar uu isbarbar dhigayey Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye iyo Waddani ayaa yidhi “Shirkii Golaha Dhexe ee Waddani, wuxuu u dhacay sida Shirarka Xisbiyada Caalamka, si qurux badan oo sharaf leh ayuu u dhacay, laakiin Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye waanu arkaynay sida uu u dhacay, si kastaba waxa ugu wanaagsanaa uguna nidaam fiicnaa Shirkii Waddani”.

Xildhibaan Aareeye mar uu ka hadlaayey loolanka la sheegaya in loogu jiro xilka Guddoomiyaha Kulmiye ayaa yidhi “Anigu Doorashadii Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaan arkaayey oo kaadhadhka kartoono lagu guraayey, oo wax nidaam leh maan arkayn ee haddii ay sharci leeyihiin Ina Biixi waxa Guddoomiye ku xigeen kowaad u ah Ina Kaahin, waxa xaq u leh Guddoomiyaha Maxamed Kaahin, oo Muuse Biixi ku xiga,  Muuse Biixi haddii aanu bakhayl ahayn  sida uu Cabdiraxmaan Cirro duhur dharaareed uu jagada Guddoomiye ugu wareejiyey Cabdiqaadir Jirde ayuu ugu wareejin lahaa Maxamed Kaahin haddii cid lagu wareejinayana Maxamed Kaahin baa xaq ku leh”.

 

Xildhibaan Aareeye ayaa mar uu ka hadlayey kulankii uu Madaxweynuhu la yeeshay Madax-dhaqameedka Beeshiisa ayaa yidhi “Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray, Cabdiraxmaan Tuur, Cigaal iyo Rayaale, midkoodna Gows-dambeedka reerkooda iyo Madax-dhaqameedka Beelahooda lamay shirin, in Madaxweyne Axmed Siilaanyo la shirana waa dhaqan inoo cusub, balse madaama aanay Madaxweynayaashii ka horeeyey aanay sidaas sameeynin, inuu isagu sidaas sameeyo waa arin aan fiicayn oo halkeeda aan qaban.”

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo isna ka hadlaya waxa ka jira wararka ayaa yidhi “Xisbiga Waddani ka bixi mayno, Xisbiga aasaase ayaan ka ahay, madaana aan aasaase ka ahay, ka tagi maayo, cid aan uga tagayaana ma jirto, laakiin waxaan u arkaa in daacayadan uu ka dambeeyo Kulmiye.”

Xildhibaan Bashiir  Tukaale mar uu ka hadlaayey Shirkii uu Madaxweynuhu beeshiisa kula yeeshay Madaxtooyada ayaa yidhi “Shirka uu Madaxweynuhu jufadiisa uu kula yeeshay Madaxtooyada Qaranka,  waxay ina tusaysaa sida ay Xukuumaddani u istaadhay Qabyaalada iyo heerka ay gaadhsiisay, waxaana dhab ah in Madaxweynaashii hore aanay talaabadan oo kale aanay ku kicin”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey loolanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Kulmiye ayaa yidhi “Jagada Guddoomiye Muuse Biixi waa lagu wareejiyey, waxaana ku wareejiyey Madaxweynaha, markaas loolankan loogu jiro inta la iska daayo isna waa inuu cida ku haboon uu ku wareejinaya.”

Source:- Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here