KHATARTA XABAALAHA AFKA KALA HAYA IYO CIDA MAAMUSHA

0
22

Hadii aad hargeysa dagan tahay ama aad booqato oo qof ehelkaaga ah ama asxaabtaada ah xaqii ku soo dago oo uu geeriyoodo

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan shacabka reer somaliland
marka xigtana saxaafada horta ah ee reer somaliland

qoraakan kooban ee ka hadlaaya arin anigu aan u arko inuu dhibtiisa leeyahay hadii aan xukuumada iyo shacabkuba si fiican u darsin, iyadoo saxaafadana looga baahan yahay inay meeshan qaab madax banaan ku tagto si ay wax weyn uga ogaato arinta aniga qoraalkan igu kaliiftay,,

Hadii aad hargeysa dagan tahay ama aad booqato oo qof ehelkaaga ah ama asxaabtaada ah xaqii ku soo dago oo uu geeriyoodo, oo aad soo qabato ama aado xabaalaha NAASO HABLOOD adigoo doonaaya inaad halkaa marxuumka ku duugto, waxaad arkaysaa meesha muuqaalkan

leh, waxaad la kulmaysaa dhalin yara cimri ahaan isugu jirta 25 ilaa 10 sano oo wajigooda iyo muuqaalkooda guudba yahay dad aduunka dhibaato xoog leh kula kulmay ama ku jira, isla markaana baabuurka aad wadato waxay hareeraha u qabsanayaan qaab aad u daran,
iyagoo kugu boobaaya su’aal ah ma xabaal baad doonaysaa ( anigaa haya, anigaa haya)
dhalin yaradan uma muuqdaan dad inaba caadi ah ama lagu tilmaami karoba somali, waxaad la yaabaysaa qaabka dharka loo xidhan yahay, qaabka timaha loo xiirtay, qaabka loo hadlaayo, magacyada la isugu yeedhaayo, iyo waxyaabo kale oo aad u badan,,,
qofkasta oo maskaxdiisu dareen leedahay wuu didayaa.

KHATARKA AY LEEDAHAY MEESHANI
wax aad iiga yaabisay dhalin yaradan muuqaal ahaan u eekaatay ( WEST AFRICAN GANGS) iyo sida u muumulanayaaa xabaalo ay iyagu gacantooda ku qoteen, ee aan looga war qabin ciday ku ridayaan iyo ciday ka iibinayaan toona. iyadoo hore saxaafadu qortay in gabadhii nolosha lagu aasay ay ka horeysay gabadh kale oo xabaal loo iibiyey, hadana uma muuqato in wax lagu qaatay hawshaa hore’ waxaana suura gal ah in dad badan oo loo tuhmaayo tahriib inay halkan ku aasan yihiin
UGU DANBAYNTII
waxaan xukuumada iyo culimabada u soo jeedinayaa inay dadka noocan ah uga hawl galaan sida ugu suura gashan ee qaabkan wax looga badali lahaa,

sacad ciise cumar
Berbera somliland
e-mail f_bihaary@hotmail.com

*************************************************

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here