“Cirro, Wuu Wareejiyay Guddoomiyihii Xisbiga, KULMIYE Ayay Hortaalaa Ee Is Qab-Qabsiga Reereed Haka Baxo Oo Haloo Daayo Guddoomiye-Xigeenka 1aad” ..Cabdi Haybe

0
16

Hargeysa (Saxilnews):-  Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay wararka maalmihii ugu dambeeyey soo baxayey sheegayey in loolan loogu jiro xilka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Cabdi Haybe, wuxuu sheegay in guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE uu xaq u leeyahay guddoomiye-xigeenka 1aad oo ah Mujaahid Maxamed Kaahin, waxaanu isagoo is barbar dhigaya KULMIYE iyo Waddani oo uu Waddani wareejiyay guddoomiyenimada uu yidhi “Xisbiga Waddani si xalaal ah ayuu u qabsaday Shirkiisi Golaha Dhexe, si xalaal ah ayaana Cabdiraxmaan Cirro u wareejiyey Kursigii Guddoomiyenimada, Kulmiye ayey imikana hor taala ee is qabsiga reereed ha ka baxo, oo Guddoomiye ku xigeenkii kowaad baa jooga  ee ha loo daaya ninkaas ayaa xaq ku leh Kursiga Guddoomiyenimada KULMIYE.”

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Doorashada Madaxtooyada wuxuu  yidhi “Doorashada Madaxtooyada waa in wakhtigeedii lagu qabtaa, oo waxaaba khalad ahayd in Doorashada Wakiilada dib loo dhigo, marka madaama markii hore la is barkiyey Labada Doorasho haddana la kala qaaday in Doorashada Madaxtooyadu dib u dhacdo, wax caqliga gali kara oo umaddu aqbali karto maaha, waana in Doorashada Madaxtooyadu wakhtigii loo qabtaa waa in aanay dhaafin ee ay ku dhacdaa wakhtiga loo qorsheeyay, qaadhaan- bixiyayaashana waxaanu ugu baaqaynaa inay Doorashada qaybtii ay ku lahaayeen kharashka ay bixiyaan si ay Doorashadu inoogu dhacdo”.

Cabdi Haybe oo ka hadlaya abaaraha dalka ka jira ayaa wuxuu yidhi  “Waxaan ugu baaqaya Dawladda iyo maamulka jooga inay si deg deg ah ugu gurmadaan dadka ay abaaruhu hayaan, waxa la sheegayaa in bariga fog ay ka socoto gaadhi gaadhi saar, oo biyo la’aan ayaa jirta, marka waa intaas gargaar deg deg ah loo fidiyaa, sidoo kale Gobolka Hawd oo dhan abaartu xoog bay u haysaa,Gobolka Hawd iyo Gobolada kale ee abaartu hayso in deg deg loogu gurmado ayaan  ku baaqi lahaa”.

Dhanka kale Cabdi Haybe Maxamed ayaa ka hadlay Tartanka koobka Gobolada ee ka socda Hargeysa Stadium, waxaanu guud ahaan Bulshada ugu baaqay in nabadgalyada la ilaaliyo oo si akhlaaq leh loo daawado Ciyaaraha.

Source:- Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here