Hargeysa (Ilays-News):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo oo ay weheliyaan Marwada kowaad ee qaranka Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, iyo gudoomiyaha Xisbi xaakimka kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno ka mida golaha wasiirada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, ayaa safar shaqo ugu baxay maanta oo jimce ah dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.