Soomaaliya Oo Saxiixday Cahdiga Ka Mid Noqoshada Dalalka Ku Midoobey Badweynta Hindiya + (Sawiro).

0
17

India (Saxilnews):-  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya Dr. Abdusalam Hadliye Omar ayaa saxiixay cahdiga Ururka mideeya wadamada dhaca badweynta Hindiya ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan (IORA).

s1

Shirka Golaha Wasiirada ee ururka IORA ee ka dhacay Jaziirada Bali ee dalka Indonesia ayuu Wasiir Hadliye ku saxiixay cahdiga ka mid noqoshada Soomaaliya ee Ururkan.

Saxiixidda heshiiskan waxaa uu micnihiisu yahay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah xubin uga noqotay dalladda ay ku midoobeen wadamada ay hareyso badweynta India ee loo yaqaan (IORA) taasoo dhiirigelineysa ganacsiga iyo iskaashiga dhinacyada badan oo ay ku jirto badbaadada badda, ammaanka , ganacsiga, maalgashiga, maamulka kheyraadka badda, dalxiiska iyo is dhaafsiga dhaqanka.

Hadal uu Wasiir Hadliye ka jeediyay waxa uu diiradda ku saarray in Soomaaliya ay tahay xubin muhiim u ah Ururka (IORA), ayna xidhiidh xoogan oo wax wadaagid ah ay la leedahay inta badan wadamada xubnaha ka ah dalladan, iyada oo aan u mareyno xubinnimadeena waxaanu hiigsaneynaa inaanu sii xoojinno , yagleelno xiriirro cusub oo wax wadaagid ah oo dhinac kasta ku shaqa leh oo ah dan wadaag.

s2

Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray in Soomaaliya ka xubin ahaan waxa ay kala xaajoon doontaa dhammaan xubnaha (IORA) ka qeybqaadasho iyo dano wadaag horukac balaaran ka geysan kara dhaqaallaha Soomaaliya bad iyo beriba.

“Soomaaliya waxa ay dhowreysaa mabaadiida cahdiga (IORA) ee ku dhisan wax wadaagid iyo hiigsi guud oo isku xiran, is ogol iyo barwaaqada gobolka badweynta Hindiya”ayuu yidhi Wasiir Hadliye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here