Maayarka Degmada Ceelafweyn Oo Si Dadban Ugu Biiraya Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani iyo Xogo Qarsoon Oo Daha Ka Qaaday.

0
21

Gudoomiyaha Dedmada Ceelafeyn Baashe Xandullo ayaa la sheegay inuu si dadban ugu biiray Xisbiga Wadani , Iyadoo bilihii lasoo dhaafayna bulsho weynta ku dhaqan Magaaldaasi Ceelafweyna Ay Isla dhex marayeen hadal haynta udigo rogoshada maayar Baasho ee xibiga wadani .

Wararka sheegaya inu maayarka Ceelafweyn ku biiray isla markaasina gacan siin xoogan la leeyahay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ayaa lagu sifaynayaa kadib markii Bilihii lasoo dhaafay , Boqor Buur Madaw oo masuul ka ahaa isla markaasina wakhtigii doorashada maayarnimo ee Degmadaasi uu olole xoogan ugalay inuu Maayar Degmada Ceelafeyn noqdo Baashe Xandulo oo ay ilmaadeer yihiin . Waxana ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow maayarka Ceelafweyn sheegayaan inuu ku sheqeeyo fikirka iyo mabaadii’da Boqorka ,

wadiiqada uu farta ugu fiiqona uu markaasi maro . Hadaba isla wakhtigii uu Boqor buur madow ku biirayay xisbigaasi Waddani ayaa maayar baashe laga dareemayay u xaglin xaqiiqa oo ku asteysan inu u janjeedho dhinaca boqorku u digo rogtay maadaama uu siweyn uga danbeeyo Buur Madaw oo uu noqoshada Maayarnimadiisa ka masuul ahaa isagu. Waxana Maayarku bilaabay Cadaadis xoogan oo uu saaro dhanka xukuumada dhexe iyo ku lug lahaansheheeda Degmada Ceelafweyn ,

isagoona Inbadan Cagta saaray mashaariico kala gedisan oo Xukuumadu doonaysay markaasi inay ka hir galiso deegaankaasi waxana kamid ahayd , hirgalinta Mashruucii ugu weynaa ee ka hir gala abid degmadaasi oo ahaa Wadada Sanaag , oo uu iyadana hor istaagay hawl usocodka shaqooyinka iyo weliba qaadhaan ururuntii wadadaasi talaabadaasi oo ay indhohooda kusoo arkeen wefigii uuhogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ee dhawaan halkaasi tagay .

Maayar Baashe Xandullo ayaa ka sharaxnaa wakhtigii uu utartamayay jagada xildhibaanka golaha degaanka degmadaasi ceelafweyn xisbi xaakimka kulmiye . Geesta kale ilo wareedyo kale oo aan kuwasi ka duwanayn ayaa iyaguna waxay sheegyaan in markii xilka laga qaaday Agaasimihii Caafimaadka Cismaan Xuseen Warsame oo ay ilamaader dhaw ahaayen maayarka uu si toosa uga badheedhay inuu taageerobuuxda isla barbar taago masuuliyiinta xisbigaasi wadani.

maayirka ceel afawayn

Waxa kale oo lasheegay in todobaadkii laga soo gudbay mar koox ka tirsan Komishanka Qaranka oo Ceelafweyn u tegey Soo Xulida Xubnaha Gudiga Komishanka Ee Degmadaasi oo uu wehelinayay Xildhibaan Ibraahin Caraale Cabdi oo ka tirsan Xisbi Xaakimka kulmiye uu Ku Kiciyay Dhalinyaro abaabulan oo kasoohor jeeda Hawlaha shaqooyinka saraakiishani ka socotey komishanka qaranka somaliland , dhalinyaradaasioo la sheegay inay damiyeen laydhkii korontada magaaladaasi ee ay habeenkaasi ay ku sugnaayeen kooxdani iyadoona dhinaca kale la tilmaamayo in dhagax tuur ay halkaasi kala kumeen . Waxa iyana meesha ka baxday Awoodii xisbi xaakimka Kulmiye ku lahaa Degmadaasi Ceelafweyn ee gobolka Sanaag isagoona Wakhtigan degmadaai ku lahayn masuuliyiin la tilmaami karo oo xibigaasi halkaa ugu sugan siyaasadii guud ee xisbigu lahaana aanay haba yaraate wax saameyn ah ku lahayn isla degmadaasi . Waxayna arintani sababtay inay guud ahaanba wiiqmaan dhamaanba hawlihii shaqooyinka degmadaasi ee dhanka xukuumada iyo maamulkii ka jiray magaaladaasi , iyadoona la sheegayo in xildhibaanada golaha degaanka degmadaasi inay wadaan Mooshin xilka xayuubin ah oo ka dhan ah maayarka degmadaasi maadaama xisbiga kulmiye golahaasiku leeyahay kuraasta ugu badan ee degmada

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here