Ciidamada Itoobiya Oo Ka Baxay Deegano Ka Tirsan Dalka Somaliya Oo Ay Nabad Ilaalin U Joogeen + Sababa .

0
18

Tiyeeglow (Saxilnews):-  Wararka aanu ka heleyno magaalada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya ay halkaasi ka bexeen.

Dagaal yahanada Alshabaab ayaa la wareegay magaaladaasi kaddib markii ciidamadaasi ay baneeyeen.

Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah howlgalka AMISOM ayaa waxa ay u bexeen dhanka degmada Xudur ee gobolka Bakool, sida dadka goob jooga ah ay BBC-da u sheegeen.

Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiya waxa ay qabsadeen Tiyeeglow 25kii bishii August ee sanadkii ee 2014.

“Saaka aroortii ayey ciidamada Itoobiya ka guureen Tiyeeglow”, ayuu yidhi qof ka mid ah dadka deegaanka oo intaasi ku daray “Alshabaab ayaa magaalada soo gashay oo hadda ku sugan”.

Tiyeglow waa magaalo istiraatiiji ah, waxa ay isku xidhtaa gobolada Hiiraan iyo Bakool, waxayna qiyaastii 90 km u jirtaa magaalada xarunta u ah gobolka Bakool ee Xudur, sidoo kale waxa ay 140 km u jirtaa magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

Ciidamada Itoobiya waxa ay bilihii ugu danbeeyay ka baxeen deegaanada Ceel Cali, Moqokori, iyo Halgan ee gobolka Hiiraan. Dhinaca gobolka Bakool waxa ay isaga baxeen deegaanada Rabdhuure, Buurdhuxunle, iyo Garasweyne. Dhinaca gobolka Galgaduud waxa ay ka guureen deegaanada Budbud, iyo Galcad.

Ma jiro waxa wara oo ka soo baxay ciidamada Itoobiya oo ku aadan ka bixitaankooda deegaana dhawra oo ku yaala konfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Bixitaankan u dambeeyay ee Tiyeglow ayaa imaanaya iyadoo dowladda Itoobiya ay wajaheyso mucaaradad xooggan iyo mudaaharadyo rabshado wata oo ka socda gudaha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here