Hargeysa (Saxilnews):- Siyaasi Aadan Axmed Cilmi dhoolayare oo ka mid ah siyaasiyiinta ku jirta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu ka hadley hirdan uu sheegay in uu ka dhex curtey xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye
Muddane Dhoolayare ayaa waxaa uu sheegay in wakhti xaadirkan xisbiga Kulmiye dhabaha saaray hirdan cusub oo loogu jiro cidii hanan laheyd kursiga gudoomiyaha xisbigaasi waxaana uu xusay in ay arintaasi mareyso meel adag oo uu ku masaalay maskii qoratada afka galiyey ee hadii uu liqana dhimanaayey hadii uu tafana indho beelaayey
https://www.youtube.com/watch?v=mKB95vFHgTA