Mandheera(Saxilnews) Kooxda Islaamiyiinta Al Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambaysay weerar xalay lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Mandera ee waqooyi beri Kenya.
Weerarkaasi waxaa ku dhimatay 12 qof. Website xiriir la leh kooxda Shabaab ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa dadka Masiixiga ah ee aan ka soo jeedin deegaankaasi.
Ciidanka dowladda Kenya ayaa saaka magaaladda ka billaabay howgallo, waxaana gebi ahaanba xiran goobaha ganacsida.
Weriye magaaladaasi ka hawlgala ayaa BBC-da u sheegay in xitaa masaajidda ku yaalla bartamaha magaalada aanan saaka lagu tukan salaadda subax.
Qaar ka mid ah dadka ku dhintay weerarkaasi waxaa la aaminsan yahay inay ahaayeen masuuliyiin ka yimid Nairobi oo ku howlanaa diyaarinta imtixaanaadka qaran ee dugisyada sare.
Waa weerarkii labaad oo Mandera ka dhaca muddo bil gudaheed.
Dabley hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ayaa magaaldaasi ku dilay lix qof seddax isbuuc ka hor.
Boqolaal qof ayaa ku dhintay weerarada Al-shabaab ay ku soo qaadaan dalka Kenya tan iyo inta ciidamada Kenya ay ka tallaabeen xudduuda Soomaaliya muddo shan sano haatan laga joogo
Xigasho:– BBC-Somali.com