Hargeysa (Saxilnews):- Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Somaliland Axmed Saleeban oo ku sugan dalka Faransiiska isla markaana ka mid ahaa siyaasiyiintii isbaheysiga ee ku biiray xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ka hadley shirkii golaha dhexe ee Waddani .
Muddane Dhuxul oo khadka telefoonka ugu waramey shabakada Ilaysnews.com ayaa waxaa uu ugu horeyn u sheegay in shirkaasi u dhacay qaabkii ugu wacnaa isla markaana uu hanbalyeynaayo labada musharax ee shirkaasi Lagu soo doortey .
Sidoo kale Axmed Saleeban Dhuxul waxaa uu hanbalayo u diray hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan Iyo gudoomiyaha xisbigaasi Cabdiqaadir Jirde oo xubanaha golaha dhexe u ansixiyeen si ku meel gaadh ah.
Dhinca kale isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu afhayeenkii hore ee madaxtooyadu uu isbarbar dhig ku sameeyey Musharaxa madaxweyne ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro iyo dhigiisa Muuse Biixi waxaana uu ku kala sifeeyey Siyaasi u qalma in uu hogaamiye noqdo iyo mid aan u qalmin uu dalka hogaamiye ka noqdo
Gabo gabadii Muddane Dhuxul waxaa uu fariin u diray Axmed Muumin Seed gudomiye ku xigeenkii xisbiga Waddani oo isagu ka cadhoodey shirkii golaha dhexe ee xisbigaasi waxaana uu ugu baaqey in uu xisbigiisa uu tacabka badan galiyey barbar taaganado waxii uu tabanaya wada hadal lagu dhameeyo
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=iW4zkLrkGgQ