“Muuse Iyo Maxamed Ma Necbiye Waan Loolamaynaa Oo Waxaan U Arkaa In Ayna Hogaanka Dalka Sax Ku Ahayn,”Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali.

0
22

Hargeysa (Saxilnews) :-Hogaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka jawaabay eedaymo uu uso jeeddiyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland,

“Ex Wasiir Xirsi oo ka hadlaayey waxa ka jira in uu sheegtay waxqabadkii Madaxwayne Siilaanyo mudadii u xilka hayay ayaa waxa uu ku jawaabay hadii Wasiir Cadaani uu ka jawaabay oo shalay ila shaqaynaayey waa nasiib wanaag isagaa markhaati iiga ahaa laakiinse hadii uu isagu ka jawaabay oo ahaa kii ila socday ee Ceerigaabo ila tagay ee Maraykan ila tagay ee Canada ila tagay ee igala shaqaynaayey ee gacan yaraha iiga ahaa ee ka dul oo yaayey waa nasiib wanaag qof kale oon war hayn hadii uu hadli lahaa ayaan odhan lahaa wuu war laayahay

dadka reer Somaliland ayaa marag ah maaha qof la is maqashiin mayo ee bulshada Somaliland ayaa xukumi oo marag ka ah,waxaanan ahaa qofkii wadada Ceerigaabo hir galiyey wax igula murmi karaana ma jiro madaxwaynuhu inuu hindisay oo maxkaxda ku hayey ee buugiisa ku qorey oo uu leeyahay amaanteeda iyo libteeda leeyahayna markan hore uga hadlaayey ayaan sheegay mana dafirin waligayna dafiri maayo,madaxwaynihii wax qabtaybuu ahaa anuu waxaan qabanaayey kii ii direybuu ahaa anigaase fuliyey Cadaani waa wasiirkii warfaafintee wuxuu ku faano ha fuliyo oo wasiir kasta wax uu ku faano ha fuliyo hadii u dafiro Cadaani bushada ayaanu iskula tagi doonaayoo waa waxa Ceerigaabo kaa soo raaca,”

Dhanka kale Ex Wasiir Xirsi oo ka jawaabayay su,aal laga waydiiyey in ay isaga iyo gudoomiyaha xisbiga Waddani Mr Ciro neceb yihiin Ciidanka ayaa arintaasi waxba kama jiraan ku tilmaamay isaga oo sheegey in uu aha shaqsigii hir galiyey Darajada ciidamada Somaliland la siiyey,isaga oo arimahaasi ka hadlaya wax uu yidhi.

“Askarta reer Somaliland ayaa la waydiinayaayoo,askarta reer Somaliland hadii ay ahayd darajadii hadii ay ahayd shaqadii hadii ay ahayd mushaharkii waxaan ahaa ninkii ka shaqaynayey ee kala shaqaynaayey,markaa askarta Somaliland waxaad soo eegtaa ood soo waydiisaa in aan askarta la cola ahay iyo in aan dhiiri galiyo anigoo mucaarid ahna waan ka hadlaayey askarta ilaalinteed iyo horumarinteeda anigoo wasiir ahna waan ka shaqaynaayey oo la shaqayn jirey,

Markaa askarta kala saaro wuxuu u jeedaa Muuse iyo ninka la yidhaa Maxamed Kaahinbuu u jeedaa Muuse iyo Maxamed ma necbiye waan loolamaynaa oo waxaan u arkaa in ayna hogaanka dalka sax ku ahayn,”

Hangoolnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here