Kooxda ayaa waxa ay tilmaamtay in dadkan ay shan sano haysteen burcad badeedda Soomaaliya.
Waxaa la aaminsan yahay inay yihiin kuwii ugu dambeeyay oo burcad badeedda ay ku haysteen Soomaaliya.
Laakiin waxaa jiro dad kale oo loo maleynayo inay weli gacanta ugu jiraan burcad badeedda.
Markabkii ay la socdeen, FV Naham 3, oo bishii March ee 2012kii la faduubtay ayaa markii dambe ku degay xeebaha Soomaaliya.
La haystayaasha oo ka soo kala jeeda dhowr dal oo ku yaalla bariga qaaradda Aasiya ayaa lagu hayay meel aan la magacaabin oo Soomaaliya ah.
Xaalad dhib badan ayey kala kulmeen muddadii ay qafaalnaayeen.
Burcad badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa sanaddihii ugu dambeeyay aad hoos ugu dhacay.Koox wada xaajood ka gasha arrimaha dadka la qafaasho ayaa sheegeysa in 26 qof oo Soomaaliya lagu haystay la siidaayay.
Xigasho bbc