Mareeyihii hore Ee Dekeda Berbera Ayaa Beeniyey Inuu Ku Biirayo Xisbiga Wadani

0
23
Berbera (Saxilnews.com)-Maareeyihii hore ee Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) Ayaa Beeniyey War Kusoo Baxay Wargeyska Foore Oo Sheegayay In Eng Cali Xoor Xoor Iyo Dad Uu Hogaaminayaa Ku Biirayaan Xisbiga Wadani Wadahadalo ay Yeesheen, Arintaasi Waxa uu Ka Hadlay Mar uu Khadka Telefoonka Igula Soo Xidhiidhay Isagoo Xiligan Ku Sugan Dalka Dibadiisa Waxaanu Ku Bilaabay Hadalkiisa Eng Cali Xoor Xoor “Ma Jirto Wada Hadalo Na Dhexmaray Xisbiga Wadani iyo In Aan Ku Biirayo Xisbigaasi Warkaasina Waa Mid Been Auur ah Oo aan Sal iyo Raad Toona Lahayn Waxaanan Usoo Jeedinayaa War Baahintu Inay Hubio Wararka ay Baahinayeen waxna Ka weydiiyaan Cid Waxka Qorayaan” Ayuu yidhi Eng Cali Xoor Xoor Waxa kale Oo Uu Ka Hadlay Inay Jirto Siyaasiyiin Uu Hogaaminayo Oo Ku Biiraya Xisbigaasi Waxaanu yidhi “Waxba Kama Jiraan Siyaasiyiin iyo Taageerayaal aan Hogaaminayo Oo iyagunaKu Biiraya Wadani iyo wada hadalo na dhexmaray toona” Ayuu Ydhi Eng Cali Xoor Xoor. Maareeyihii Hore ee Dekeda Berbera Eng Cali Xoor Xoor Ayaa kamid ah Masuuliyiinta Saameynta weyn Ku Leh Gobolka Saaxil iyo Guud ahaan Somaliland isla markaana mudo dheer ka ahaa Maareeye Dekeda Berbera Marxalado Kala Duwan Lasoo Maray Geedi Socodka Horumarineed ee Dekeda Berbera.

WWW.saxilnews.com

Berbera -Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here