Horta Dhulkan Yaale? Budhcad Wadooyinka Gooya Oo Ka Dilaacay Deegnada Udhexeeya Berbera Iyo Sheekh By: Mukhtar A.Maxamuud

0
19

Berbera (Saxilnews.com)-Waxaa maalintii Shalay Hayd aan socdaal kooban ku Tagay Deegano ka tirsan beriga degmada sheekh kaasi oo igu qaatay mudo hal malin iyo badh ah goor gaaban ayaan ka caraabay magaalada berbera anigoo usii jeeda deeganka Gugux oo safarkaygu ku astaysnaa marka aan marayo duleedka koonfureed ee magaalada geel -lookor waxay indhahaygu qabteen baabur taagan oo faro badan waan naxay oo is idhi shilbaa dhacay inyar kadib markii aan gaadhay buuqii baaburta waxaan arkay Boholo ka dhex qodan Bariiska Laamiga ah ee deegankaasi kana qodon badhtamaha laamiga ah sidoo kalena ah bariish uu doox wayni hoos maro arintani ayaa fajac ku noqotay dad badan oo goobta isku soo gaadhay waxaayna ahayd aruntani mid si badheedh ah loo dumiyey laamiga ay dawladu dhistay waxaad ku arkaysay goobtani in loo isticmaalay Duminta wadadni Dube Iyo Shiine dhagax si loo xidho laamigani umadu marto taasi oo aan ilaa hada la garanayn sababto sida badheedhka ah loogu jabinayo dhismayaasha iyo hantida badani gashay umaduna manaafacadsato intaasi kadib socdaalkii ayaanu wadanay waxaan sidoo kale kusoo baxnay bariiska loo yaqaan xaramadle ee deeganka Hidisa oo isagana sidaa si lamid ah la dumiyey loona isticmaalay dube iyo shiine sida ka muuqata sawiradani arintaasina waxay keentay cabsi xoogan oo ku abuuratay dhamaan wadayaasha baaburta ukala goosha gobolada dalka arintani ayaa noqotay cawaaqib xumada iyo fahman la,aanta haysa bulshada haysta balse arinkani waxa uu umuuqdaa mid siyaasadaysan oo ujeedooyin kale xambaarsan waayo hadii aanay ahayn arimo la hagaayo hore looma arrag dhacdooyin noocan oo kale ah dadka deeganka ayaa sheegay inay ku war heleen dhacdooyinkan axmaqnimada ah ee lagu duminayo hantida umada iyagoo soo jeediyey inay xukuumadu baadhis xoogan ka samayso cida dabada ka riixaysa kooxdan maafiyada ah ee wadada gooynaysa gaar ahaana bariishyada oo bartilmaamwed unoqday kooxdani. Hadaba waxaa dhibaato ah qofka goynaya ama xidhaaya marinkan umadu marto iyagoo alle Swt ka warmay xukunka qofka qaaducu dariiqa ah iyo xukunkiisa hadana dhacdadani waxay niyad jab iyo wax laga cadhoodo ku noqonaysaa dadka waanka ay lexjecladu kaga jirto wadadan ayaa kamid ah wadooyinkii cusbaa ee xukuumadu dhistay waagii Wasiir Xirsi maamulaayey wadooyinka ilaa hadna waxaa laga dhursugayaa talaabada ay xukuumadu qaado .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here