Qaban-qaabada Shirwaynaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo Si Xooga Looga Dareemayo Magaalada Hargeysa

0
19
Hargeysa(Saxilnews)-Qaban qaabada xaflada shirwaynaha golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ayaa si xoogan looga dareemayaa guud ahaanba gobolada dalka gaar ahaana masgaalada hargeysa.

Waxaana shirwaynahan oo qabsoomaya 19 bishan aynu ku uda jirno uu ka dhici doonaa hotel maansoor ee magaalada hargeysa,iyada oo ay badiba ay hargeysa yimaadeen madaxda xisbiga WADDANI ee laamaha dibada iyo gobolada dalka isla markaana ka qayb galaya shirwaynahaasi.

Sidoo kalena xisbiga WADDANI ayaa qaybiyay kaadhadhka golaha dhexe ee ergadu ku galayso shirka.

Wadooyinka halbowlaha ah ee magaalada hargeysa ayaa waxa ka wada babanaya calanka astaanta u ah xisbiga WADDANI,iyada oo sidoo kalena ay wadooyinka ku dhagsan yihiin boodhadh ay ku xardhan yihiin sawirada musharaxiinta xisbiga WADDANI.

Jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga WADDANI ayaa waxa u tartamaya laba masuul oo ka tirsan xisbiga kuwaasi oo kala ah gudoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed iyo Dr Maxamed Cali Cabdi,halka jagada madaxwayne ee xisbiga WADDANI-na uu u tartamayo gudoomiye Cirro.

Goobaha lagu kulmo ee suuqyada magaalada hargeysa ayaa aad looga hadal hayaa qabsoomida shirwaynaha xisbiga WADDANI,iyada oona siyaabo kala duwan looga faaloonayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here