War Deg Deg Ah:-Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Iyo Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga KULMIYE Oo Goor Dhawayd Shil Gaadhi Galay+Magacyada Masuuliyiinta Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
30

Hargaysa (Saxilnews.com)-War deg deg ah oo hadda soo gaadhaya xafiiska shabakada wararka ramaasnews ayaa sheegaya in wasiir ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE ay goor dhawayd shil gaadhi galeen.

Shilkan gaadhi ayaa sida naloo sheegay ka dhacay deegaanka Biyo Shiinaha oo ay ka socdaan mashruucyo horumarineed isla markaana dhanka waqooyi kaga beegan magaalada hargeysa.

Waxaana shilkan gaadhi dhaawacyo kasoo gaadheen wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed,oghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf,iyo Siyaasi Maxamed Axmed Tiinbaro oo isagu ah masuul ka tirsan xisbiga KULMIYE.

Masuuliyiintan shilka gaadhi galay ayaa naloo sheegay inay kamid ahaayeen wafti uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici” oo kormeero kusoo marayay goobaha ay ka socdaan mashruucyada biyo balaadhinta caasimada hargeysa.

Waxaana dhaawaca masuuliyiinta sida naloo sheegay loosoo qaaday cusbitaalka magaalada hargeysa wallow uu soo gaadhay masuuliyiinta dhaawac fudud.

 

Ramaasnews-desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here