Urdun (Saxilnews.com)-Masuuliyiinta Urdun ayaa sheegay inay ogolaanayaan in loo geeyo gargaar joogto ah tobanaan kun oo reer Suuriya ah oo ku xaniban xudduuda u dhaxaysa Urdun iyo Suuriya.
Afhayeenka dowladda Maxamed Momani ayaa sheegay in cunto, biyo iyo daawo la gayn doono.
Laakiin wuxuu sheegay inaan la furi doonin xudduuda ay la leedahay Suuriya oo la xiray bishii June, kadib markii weerar lagu dilay toddobo ciidamada Urdun.
Tan iyo markaas Urdun ayaa ogolaatay hal gargaar in la geeyo goobta. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobana, in ka badan toddobaatan iyo shan kun ee reer Suuriya ayaa ku xanniban Rakban oo u dhaxaysa Suuriya iyo Urdun.
Xigasho Bbc