Musdanbeedka Waddani Oo Jar Ka Tuuray Go’aan Guddoomiye Cirro Ku Wareejinayey Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Dareenka Reer Axmed Dhagax

0
20

Hargeisa(HN)Kulan xalay ka dhacay guriga gudoomiye Cirro ayaa waxa fooda isku daray gudoomiye cirro iyo xubnaha uu ka kooban yahay ardaaga Musdanbedka xisbiga oo ah kooxda gacanta ku haysa talada xisbiga Waddani.
Kulankani waxa Musdanbeedku gabi ahaanba meesha ka saaray go’aankii Gudoomiye Cirro ee ahaa in uu wareejiyo Gudoomiyaha xisbiga Ka hor intaan doorashada la gaadhin waxa ay cadeeyeen in kursiga Gudoomiyaha uu wareejin karo hadii xisbigu talada dalka ku guulaysto.
Kulanka ayaa labada dhinac saacado badan ku qaateen qaada dhiga arinkan Musdanbeedka ayaa sidoo kale go’aamiyey in beesha Degmada Axmed Dhagax iyo gobolka Hawd loo sameeyo balanqaad ku kooban hadii xisbiga Waddani Doorashada ku guulaysto in lagu wareejinaayo kursiga gudoomiyaha xisbiga Waddani.
Arimaha kulankan Musdanbeedku ku go’aamiyeen waxa ka mid ah in shirka golaha dhexe lagu koobo kaliya doorashada jagada Murashax ku xigeenka kursiga Madaxweynaha iyo ansixinta xilal aan hore u jirin oo xisbiga ku soo kordhay oo uu ka mid yahay xilka loo dhibay Xirsi iyo awoodaha uu yeelan doono.
Waxa dhinaca kale meesha laga saaray in shirka lagu soo hadal qaado wax ku saab san kursiga Gudoomiyaha oo ay arinkiisa jar ka tuureen isaga oo gudoomiye cirrana la qaatay arinkan kooxdiisa.
Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde iyo beesha uu ka soo jeedo ayaa ilgaar ah ku haya hawlaha siyaasadeed ee Musdanbeedka iyo Gudoomiye Cirro ku hawlan yihiin waxaana iyaguna dhankooda ay go’aan ka gaadhi doonaan talaabada ay Musdanbeedku qaadeen ee ku aadan wareejinta Gudoomiyaha Xisbiga Waddani.
Shaqsigii Ugu Yaraa Dhashii Uu Ifka Kaga Tagay Marxuum Cigaal Oo Hargeysa Ku Geeryooday Maantana Lagu Aasi Doono Xabaalaha Naaso Hablood
Alle ha u naxariistee waxa magaalada Hargeysa ku geeryooday Ibraahim Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wiilka ugu da’da yar ubadkii uu ifka kaga tagay Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
Marxuumka ayaa labadii todobaad ee la soo dhaafay waxa uu u jiifay xanuun soo wajahay oo uu aakhirkii u geeryooday.
Marxuumka ayaa laga qaadi doona maanta gurigii uu ka deganaa magaalada Hargeysa oo ka danbeeya jeelka weyn ee magaalada Hargeysa waxaana lagu aasayaa xabaalaha Naaso Hablood ee magaalada Hargeysa.
xIGASHO /Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here