Qiso Jacayl (Saxilnews.com)-Sheekadan Jacaylka ah waa mid dhab u dhacday mana aha mid male-awaal ah. laba ka mid ahaa dhallinyaradii kacday toddobaatanaadkii billawgiisii ayuu jacaylkani dhexmaray, waana Cambaro iyo Buux. waxaan aad uga mahadcelinaynaa Qoraha Cabdalla Xaaji Cusmaan.
Goobtu waa hadhagaalo, waa magaalo lagu yaqaan neecaw wanaagsan iyo carrasan. Waxaa magaalada dhinac marta dixda caanka ah ee Habaqo oo ah dix biyo macaan, ciddii mar uun soo booqata hadhagaalana xasuus gaar ah ayay biyaheedu ku reebaan. Waxaa kale oo magalada dhexmara khadka (Waddada) Tareenka ee xidhiidhiya Jabuuti iyo Adhid ababa. Magaalada Hadhagaala waxaa jiil kasta ka soo mudha oo u kaca dhalliyaro indhaha buuxisa oo hadal hayntoodu meelo fog fog gaadho gaar ahaan hablaha.
Buux markuu qoofilka ahaa ayay waalidkiisu u qaadeen Jabuuti, halkaas o u waxbarashadiisa ka billaabay, hase yeeshee, gu’ walbaa Hadhagaalo ayuu u soo xagaa bixi jiray oo marna muun seegi jirin. Markii uu waxbarashadiisi dhammaystay waxa uu shaqo ka helay shirkadda tareennada ee Jabuuti, bilaha fasaxa ah ee uu xaqa u leeyahay sanad walbana wuxuu ku soo qaadan jiray Magaalada Hadhagaalo. Cambaro iyadu Hadhagaalo geesna umayn dhaafin. waa gabadh Ilaahay qurux iyo asluub ku mannaystay, nasiibdarro se dugsi laguma darin oo guri joogbay iska ahayd. labada qoys ee ay ka kala dhasheen caan bay ka ahaa yeen Hadhagaalo, gaar ahaan labada aabbe magacyadooda meelo fogfog baa laga yaqaannay, waxayna ka mid ahaayeen ganacsatada dadkii ugu nolol wanaagsanaa Magaalada.
Tan iyo yaraantii, Cambaro iyo Buux way is yaqaanneen, guryahooduna ma kala fogayn. buux waxa uu jacaylku haleelay intii uu dugsiga ku jiray, wuuse qarsanayay. Markuu shaqadii helay ka dib ayuu damcay inuu u badheedho oo uu Cambaro ku wargaliyo kalgacaylka uu u qabo. dhib ayuuna kala kulmay sidii uu Cambaro gooni ugula kulmi lahaa, waayo Magaaladu waa mid dadkeedu is wada yaqaan, wuuna ku dhici waayay inuu dharaar cad la hadlo. Gabbal hadduu dhana Cambaro looma ogalayn inay kadinka istaagto, oo soo bixid la’aanta habeenkii hablaha kale ee magaalada ayay kala sinnayd.
Maalin walba markuu gabbalku sii dhacayo, meel ku toosan guriga cambaro ayuu istaagi jiray, si uu mar uun ula kulmo haddii ay soo baxdo. Bishii uu fasaxa ahaa shan iyo toban maalmood halkaa ayuu ku dhammaystay. Habeenkii 16aad ayuu fursad kooban ku helay iyadoo dukaan aan gurigooda ka fogayn ka soo adeegaysa. Buux degdeg ayuu tallaabada u soo dhuftay isaga oom is leh caawa yaanay fursaddan ku dhaafin.
Magaalada waddooyinkeedu waa mugdi oo wakhtigaas laydh ma jirin. Cambaro aqalkooda iyo dukaanka inta u dhaxaysa ayuu sii istaagay. Durba way isa soo rogtay waxayna ku soo baxday Buux oo meel dhexe taagan.
-“Cambaro ma nabad baa”, ayuu ku salaamay.
-“Waa kuma?”, ayay waydiisay.
-“Waa Buuxe ii warran”, ayuu u ceshay.
-Waar Buux ma adigi baa? bal ii warran. Baryahan oo dhan waxaan ku arkaa adigoo meelahan joogee” ayay ku tidhi.
Buux oo wax uu ku hadlo garan la’ bay hadalkii u furfurtay. wuuna dhiiraday isagoo ku da’daalaya in caawa fursaddan qaaligaa ayn si dhayal ah ku dhaafin.
-“Kuu warramaye Cambaro o war wayn baan kuu sidaaye ha lagu helo”, ayuu ugu jawaabay.
-“Waayahay” bay tidhi, iyada oo xishood badani ka muuqdo oo tallaabada sii qaadaysa.
-“Nabadgelyo !” bayna u raacisay.
-“Habeen wacan !” buu isaguna u celiyay…
La soco qaybta kale Arbacada soo socota, insha Allaah.