Hargeysa (Saxilnews):- Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah siyaasiyiinta isbaheysiga Kulmiye ee sida rasmi ah ugu biiray xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee Waddani ayaa waxaa uu ka hadley sababta kaliftey in ay xisbigaasi ugu biiran waxaana uu yidhi
” Waxaa isku kaayo keenay in aanu ku biirno xisbiga balaadhan ee Waddani anaga oo ku heshiinay mabaadii aasaasi ah oo kuwii aanu aamisaneen ah , waxaana aanu u aragna xisbi aanu bedeli karno iyo xisbi wax ka qaban kara wadciga dalka ka jira ” ayuu yidhi Mr Biixi
Sidoo kale Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxaa uu sheegay in hamigiisu yahay kursi madaxweyne wax ka yarna aanu ku qanceen balse maanta mabaadiidii ay doonayeen ku heshiiyen xisbiga Waddani
” Waxaan kuu cadeynayaa in waxa anaga iyo Waddan isku kaayo keenay ay tahay mabaadii , kuraasto qiimo ma laha , anigu madaxweyne ayaan u cararaayey kursi aan madaxweyne aan aheyna ma rabo , waxaa se aanu ku heshiinay in aanu maanta mabaadiida aanu dooneyno iyo sida aanu rabno u maamulo xisbiga Waddani ” ayuu yidhi