Hargeysa(Saxilnews):-Wararka ka imanaaya magaalada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag, ayaa sheegaaya in wasiiru-dawlayaal ka tirsan Xukuumadda Siilaanyo ay dirir collaadeed ka sii dhex hurinayaan beelahii walaalaha ahaa ee dhawaan dirirtu ku dhex martay deegaanada hoos yimaada degmada Ceel-afweyn ee gobalka Sanaag.
Wasiiru-dawleyaasha Xannaanada Xoolaha In.Cabdirashiid Riyo-raac iyo weli ba wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Somaliland Md.Maxamed Muuse Diiriye oo iyagu maalmahii ugu dambeysay ku sugnaa deeganaddaas ay dirirtu ka socoto, ayey wararku xaqiijiyeen in ay si badheedh ah u sii daayeen Kooxo hubeysnaa oo ay soo qabteen ciidanka Qaranka Somaliland, halka dhinacii kale na kuwo la qab-qabtay xabsiga loo taxaabay iyo weli ba odey dhaqameedyo ka shaqeynaayey sugidda Nabad-gelyada deegaanaddaas oo iyaga na xabsiga ay u taxaabeen, ku waasi oo ka soo jeeda beesha Sacad Yoonis.
Tallaabooyinkan u eeg colaad hurinta ee ay deegaanaddaas ka wadaan Wasiiru-dawleyaashaasi, ayaa noqonaya kuwo gebi ahaan ba ka hor imanaaya qodobaddii heshiisiinta labaddaasi beelood oo ay saldhig u ahayn in ay ciidamada Qaranku gacan bir ah ku qabtaan ciddii lagu arko in ay sidato wax hub ah, waxa kale oo dhaqdhaqaaqoodani uu u eeg yahay mid lagu soo amray oo kaliya in ay culayska saaraan dhinac kaliya oo ah beesha Sacad Yoonis.