Madaxwaynaha ayaa waxa socdaalkiisa ku wehelinaya xubno ka mida golahiisa wasiirada iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Ujeedada socdaalka waftigan madaxwaynuhu hogaaminayo ayaa sida ilo xog ogaal ahi u sheegeen shabakada Ramaasnews waxay ku taxaluqdaa sidii ay dawlada ingiriiska ugala soo hadli lahaayeen go’aankii beesha caalamku ka qaateen dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka iyo waliba go’aankii madaxwaynuhu ku kala qaaday labada doorasho ee wakiilada iyo madaxtooyada.
Waxaana madaxwaynuhu sida naloo sheegay kusii horeynayaa dalka imaaraadka carabta isaga oo kulamo kula yeelan doona magaalada Dubai masuuliyiinta dalkaasi,intaasi kadibna waxa ay waftigan usii dhaafayaan dalka Ingiriiska.