Nuxurka Go’aanka Maxkamadda Sare Ee Xisbiga Ucid!
……………………………………………………………………………………………….
Khilaafka ka dhex aloosnaa labadda dhinac ee xisbiga ucid muddooyinkii u dambeeyay ayaa u muuqda in go’aamadda maantu ay yihiin kuwo wax badan ka badalaya saaxadda xisbiga isla markaana soo af jaraya murankaas muddada qaatay.
Dhinacyada is khilaafay ee xisbiga ucid marka laga tago murankooda , waxa muuqanaysay in ahmiyada ka weyni ay ahayd in hanaankii xisbiyadu galay dhutis iyada wakhtigii doorashaddu kaabiga waddanka ku soo hayo.
Haddaba marka aynu milicsano go’aanka ay maxkamadda dastuuriga ahi ka soo saartay in kasta oo si cad ugu muuqato bahda shuruucda yaqaana meelaha ay maxkamaddu tafsiirtay, meelaha ay gudidii diwaangalinta ururadda iyo axsaabta ku raacday iyo meelaha ay burisay.
Haddana waxaan qormadan ku eegi doonaa in aan is barbar dhigno qodobada labada go’aan kuwa la buriyay iyo kuwa ay ayiday maxkamaddu, gunaanadkana waxaan eegi doona waxyaabaha ay tahay in laga barto arrintan.
Qodobka saddexaad ee go’aanka maxkamadda sare wuxuu u dhignaa:
3. waxay burisay qodobka 3aad ee go’aanka Gudida Diwaangalinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Sumadiisu tahay REF:G/D/U/AA3/229/2016.
Haddaba qodobkaas la buriyay ee Guddidada ururrada iyo ansixinta axsaabta qaranku wuxuu u yaalay isna sidan hoos ku xusan:
3. Gudiga tiradeedu waa toban qof, oo labadda garab midba shan xubnood soo magacaabayo, waxaana loo soo gudbinayaa magacyadooda guddida diiwaangelinta.
(a). Guddida waxay iska dhex dooranayaan gudoomiye, iyo xoghaye fulineed oo midba garab ka imanayo. (b). guddiddu waxay si isleeg u soo xulaysaan ergadda shirweynaha. (c). guddidu waxay maamulaysa shirweynaha ilaa inta go’aamadiisu ka soo baxayaan. (d). kharashka shirka ku baxaya waxa bixinaya labadda garab ee xisbiga si isleeg.
Go’aanka afraad ee maxkamadu isna wuxuu ahaa sidan
4. Waxa ay wax ka badashay qodobka 1aad iyo 2aad ee Go’aanka Gudida Diwaangalinta Iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee sumaddiisa iyo taariikhdiisu kor ku xusan yihiin.
Qodabadaas labada ah ee ay maxkamadu wax ka badashay waxay iyaguna u yaaleen sidan hoos ku xusan.
1. In xisbiga UCID labaddiisa garab qabsadaan shirweyne aan caadi ahayn muddo shan iyo safartan cisho gudaheeda oo ka bilaabmaysa 21/7/2016.
2. In labadda garab soo magacaaban guddi maamusha shirweynaha oo ah tiro is leeg.
5. waxa ay xukuntay maxkamadu intan hoos ka xusan.
(a). In xisbiga UCID qabsado shir weyne aan caadi ahayn muddo lixdan maalmood gudahood ah oo ka bilaabanta maanta oo ay taariikhdu tahay 25/09/2016, sida uu dhigayo Qodobka 25aad , Farqadiisa 2aad ee Xeer Lr. 14/2011 si loo horgeeyo heshiiska ay labada dhinac wada galeen.
(b) In ergada shirweynaha aan caadiga ahayn loo raaco Xeerka Xisbiga UCID sida uu dhigayo Qodobka 12aad , Farqadiisa 3aad ee Xeerka Xisbigu
(c). In labada garab ay hawl galiyaan Guddi qabanqaabo, Sida uu dhigayo heshiiskoodu ee ku cad qodobkiisa 4aad
6. Guddida qabanqaabada shirweynaha aan caadiga ahayn tiradoodu waxay noqonaysaa 10 xubnood oo ay si is leeg u soo magacaabayaan labada dhinac waxaana marjac u noqonaya Hogaanka Sare ee Xisbiga UCID , wuxuuna yeelanayaa Hogaanka Sare ee Xisbigu awoodda Go’aannada kama dambaysta ah.
7. waxay ayiday qodobada 4aad, 5aad, 6aad, 7aad ee go’aankii Guddida Diwaangalinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansxint Axsaabta Qaranka ee sumaddiisa iyo taariikhdiisu kor ku xusan yihiin.
Haddaba marka aynu eegno qodobadaas ay Maxkamada Sare ayiday waxay Guddidu tidhi sidan hoos ku xusan .
4. Shirweynaha waxa lagu ansixinayaa dhamaan qodobadda heshiishka labadda garab iyo wax ka bedelka xeerka guud ee xisbiga UCID ee ku taariikhsanayd 12/7/2012.
5. Golaha dhexe ee xisbiga UCID oo tiradiiisa sharciga ahi ay tahay 181 xubnood soo jeedin sharciga ahina ka taalo waxa lagu dhamaystirayaa shirweynaha.
6. Musharxnimadda Jamaal Cali Xuseen waxay dhamaystirmaysaa marka shirweynuhu ansixiyo umana baahna shir gole dhexe oo dambe oo lagu ansixiyo.
7. Cali Maxamed Yuusuf oo heshiishka lagu ansixiyey gudoomye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID waxay xilkiisu dhamaystirmayaa marka shirweynuhu ansixiyo.
Go’aankan ay soo saartay maxkamadda sare nuxurkiisu wuxuu ku soo uruurayaa in lagu kala baxo sida xeerka xisbigu dhigayo kaas oo meesha ka saaray wixii aan xeerka xisbiga iyo xeerka ururradda iyo ansixinta axsaabta qaranka waafaqsanayn, waxaanu si cad awooda u siinayaa garabka gudoomiyaha xisbiga maadaama oo loo noqonayo UCID dii hore, waxaana meesha ka muuqata in wixii shirweynahaas aan caadiga ahayn ka soo baxa ay noqonayaan jihada xisbigu u dhaqaaqayo .
Haddaba marka aynu eegno nuxurka ku duugan ayaa ah mid micno weyn samaynaya kaas oo ah mid ka balaadhan labada dhinac ee dacwadu ka dhaxaysay.
Aragtida iiga soo baxday arritan isla markaana ay tahay in laga barto ayaa ah saddex qodob
1.In waddankeena guud ahaan iyo axsaabteena siyaasiga ahi ay leeyihiin marjac loo noqdo oo lagu xalin karo khilaafaadka taasina ay u baahan tahay in dhidibada loo sii adkeeyo mar walbana ay noqdaan meel laga jiro qabyo iyo baylahi in ay ku timaado.
2.Arrinta labaad ee laga baran karo ayaa in damac kasta oo siyaasi ah iyo arrin kasta oo u baahan sharciyan laga horaysiiyo in sharciyada la waafajiyo iyada oo la dhinacyo badan laga darsayo.
3.Qodobka ugu dambeeya ee laga baran karo ayaa isna ah in aan wixii khilaaf ah la dhawran oo aan lala sugin xiliyadda adag ee ay tahay in hore loo dhamaystiro isla markaana aan laga seexan wixii xuquuq sharcigu waajibinayo
Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Buraale
Email: Liibaanhanad79@gmail.com