Waxaana naloo sheegay in deegaanadaasi iyo waliba degmada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag-ba ay la wareegeen amaankooda ciidamo tiro badan oo iskugu jira ciidamada Militeriga,Booliska iyo waliba ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-du,iyaga oona dhamaan deegaanada sida la sheegay kusoo rogan bandow.
Sidoo kale waxa iyaguna degmada Ceel-afwayn ee gobolka sanaag ku sugan xubno wasiiro ah oo ka socda xukuumadda somaliland,cuqaal,salaadiin,waxgarad,boqoro iyo waliba xildhibaano ka kala socda labada gole qaran kuwaasi oo dhamaantood u joogay soo afjarida shaqaaqadii dhawaan deegaano hoos yimaada degmada Ceel-afwayn ku dhex martay laba beelood,shaqaaqadaasi oo ay xukuumaduu kasoo saartay go’aamo aan wali dhaqan galin.
Xaalada guud ee deegaanadan ayaa ah mid kacsan iyada oo xukuumadda Somaliland iyo ciidamada qarankuna ay ku mashquulsan yihiin xal u helida colaadan mar kale kasoo cusboonaatay deegaanada gobolka sanaag gaar ahaana degmada ceel-afwayn.