Lix Qodob Oo ka mid ah hadimooyinka ay godlatay xukumada talada haysa ee kulmiye

0
25

1: Hantida qaranka: xukumada talada haysa ee xisbiga kulmiye waxay horseed ka noqotay kulana kacday hantidii qaranku wada lahaa iib iyo boob sharci daro ah ,gaar ahaan goobihii bulshada u ahaa gabaadka iyo gundhiga ee aqoonyahanka dalka u soo kacayaa ku kulmi jiray ama wax ku akhrisan jiray iyadoo loo hibeeyay shaqsiyaad dano gaar ah laga leeyahay oo aan loo eegin manfacaadka bulshadu ka helayso looguna bedelin meelo wax ku ool ah oo bulshada anfac.

Sidoo kale waxay masuliyad daro ka muujisay soo bandhigida wax bedel u noqon kara bulshada goobihii la iibiyay ama la bixiyay.

2: Qiimo dhicii ugu hooseeyay abdi lacagta qaranka: qaran kastaa wuxuuu leeyahay lacag u gaar ah oo ka turjumaysa qiimaha wadanku halkuu taaganyahay bulshada lacagta lihina si fudud oo hubaal ah ugu suuro gelisa gadashada waxay rabaan qiimo sugan, nasiib daro xukumadani waxay noqontay mid aan masuuliyadi ka saarayn sixirka is bedelaya iyo tacadiga bulshada kaga yimaada ama ay kala kulmayso , waa markii ugu horaysay taariikhta somaliland ee $1 uu gaadho 8000 somaliland shilling ah , taasina waxay sababtay in nolol maalmeedkii bulshadu uu mugdi galo ,raashinkii iyo quutal yoomiinka qaali noqdo ay awoodi waydo bulshada intii taagta darayd ee si gaar ah dawlada xil ugu saarnaa.

3: Qabyaalada: shacabka ku dhaqan geyiga Somaliland waa dad walalo ah wada dhashay dal iyo dan ba wadaag ah oo aan si na u kala maarmin jacaylkii iyo muxubadii ka dhaxaysay dadka Somaliland waxaa lagu sarifay qabyaalad iyo qaraabo kiil aan qayd ku xidhnayn, taasina waxay sababtay qoqobnaan horleh iyo qaraabo kala goday iyo isu fiirfiirsi gaar ah oo wadaraysan.

4: Tahriibta: taariikhda qarankani jiray waxaa dhacay tahriibkii ugu xumaa ee dhamaan guri kasta oo Somaliland ku yaal laga dareemo iyadoo lagu waayay curado iyo caalino dalkan u dhashay , waa markii u horaysay oo dhalinyaro jaamacdo ka baxay ka tahriibaan dalkan oo dadkii iyo dalkii ay wax u baranayeen ku bedesheen sax

5: xoolihii oo abid sida ay u jabeen aan u jabin

taariikhda qarankani jiray waxaa dhacay qiimo dhicii ugu waynaa ee xaga xoolaha ee ugu xumaa ee dhamaan guri kasta oo Somaliland, waayo dadkeenu waa wada xoolo dhaqato oo waxa aynu ku nool nahay xoolaha nool ee dadkeena reer miyiga ahi inoo hayaan ama ay inoo raacaan inuu gana tabcaan oo dayactiraan haday caano noqoto, haday hilib noqotoba iyo waliba dhaqasho.

6: Qaadka: waa markkiugu horaysay ee qarankani uu mar labaad qaadka ganacsi u furo, waxaa aynu la ciirciiraynay qaadkii hore ee itoobiya inoo keenaysay ee wadankan dhaqaalihiisii oo dhan qaatay oo urursaday beri hore oo waliba inaga galaaaftay dad fara badan oo wadanka wax usoo kordhin lahaa waa khaasaare inagu dhacay waxaan ilahay ka baryayaa inuu inaga qabto qaadka

iyadoo taasina jirto waamarkii ugu horaysay ee abid ay wadankeena ka wada shaqeeyaaan laba qaad ama ay wadankeena usoo ganacsi tagaan laba wadan oo ajanabi ahi waayo waxa wadankeena maanta qaaadka keena laba wadan oo jaarkeena ah wax aalaliyo wax ay inoogu badalaanna ma jirto aan ka ahayn dhibaato, dhimasho, waali, dhaqaale burbur, damiir la aan, dad la aan, iyo waliba arimo kale oo fra badan oo aan maanta halkan lagu soo koobai karayn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here