Moqdish (Saxinews):- Raisul wasaaraha dowlada Itoobiya Haile Mariam design ayaa goor dhow ka soo degay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa isna gor dhaweyd madaarka diyaaradaha Moqdisho ka soo degay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta
Waxaa garoonka ku soo dhoweeyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Somalia.
Waxaa Salaan sharaf ay ka wada qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxaana loo gudbiyey hoolka uu ka dhacayo shirka IGAD oo ku dhow garoonka Aadan cadde.
Wakaaladaa wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa iyaduna goor dhoweyd faafisay in Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ii horkacayo ay iyana soo gaareen Muqdisho, waxaana la sugayaa madaxwenayaal kale.
Fiiro Gaar Ah :- Wararka Ku Saabsan Shirka Madaxda IGAD Ee Maanta Moqdisho Ka Furmey Kala Soco Shabakada Saxilnews.com