Haweenkan oo la sheegay in ay xirnaayeen indho shareer ayaa mid kamid ah waxa ay isku dayday inay gubto saldhigga balse markii dambe ay ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah ciidamada Booliska uu ku dhaaawacmay weerarkan lana damiyay dabkii qabsaday saldhigga dhexe ee Booliska Mombasa.
Ciidamada deg-degga ee dalka Kenya ayaa xirey wadooyinka ku dhow dhow saldhiga booliska ee magaalada Mombasa iyadoo haatan ay ciidamadu wadaan baaritaano ku aadan weerarkan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in saddexdan haweenka ah ay wateen mindiyo kuna weerareen qaar kamid ah ciidamada saldhigga, iyagoo iska soo dhigay markii hore inay dacwad geysanayeen saldhigga.
Guddoomiyaha Mombas Mombasa Governor Hassan Ali Joho ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday saldhiga dhexe ee Booliska Mombasa.
“Waa nasiib darro in saaka aan ku soo kacnay weerarkan iyadoo weliba malaayiin Mulimiin ah ay xajka taagan yihiin, waana maalin madow maanta,”ayuu yiri Joho.
Weerarkan ayaan la ogeyn ujeedada ka dambeysay hase yeeshee wararka qaar ayaa tilmaamaya in laga yaabo in haweenkan ay doonayeen inay saldhigga ka sii daayaan maxaabiis ku xirneyd.