Yaa Bixiya Sira Madaxtooyada Somaliland ?

0
24

Waxaa hubaal in cidkastoo wanaag wada ay cid kale caqabad ku noqoto, qormadan waxaan kusooo qaadan doonaa sida idiinka muuqata ciwaanka maqaalkeena oo ah yaa bixiya sirta madaxtooyada, su,aashaasi waa su,aal weyn oo qofku markiiba is waydiinaayo yaa bixiya, ma qofbaa bixiya mise koox , hadaba waxaad kaga bogan doontaan  qormadeenan su,aashaas  oo faah faahsan.

waxaa jira laba nin oo masuuliyiin ah  iska dhiga daacad hadana ah khaayimiin, labadaas nin waxay maleegaan dhagaro badan oo qaranka iyo umada dhabar jab ku ah, dhagar kastana waxaa sabab u ah sidii ay u gaadhi lahaayeen dan ay leeyihiin oo ah han siyaasadeed, waxaanay tartan kula jiraan niman siyaasiyiin  ah oo aanay waligood gaadhayn sida aan qabo dadkuna qabaan,

Labadan nine e maskaxdiinu is waydiinaysaa waa labada nin ee kala ah  Wasiir  maxamuud xaashi cabdi iyo xildhibaan Cali Mareexaan oo labadu xilal qaran hayaan, hasa ahaatee waa niman  maleega dhagar waxaana sheegay nimankaasi  maalintii uu xilka wareejinaayey Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdi Casiis maxamed salaame  iyo  agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha bulshada mudane cawil galaydh  oo labaduba  sheegeen  inay nimankaasi wixii Salaada Ceshaayi  ka danbeeya  ku gabadaan Khamiiska soona galaan madaxtooyada iyagoo maleegaya dhagar ka dhan xukuumada iyo xisbigeeda kulmiye.

Wasiir maxamuud xaashi cabdi Iyo xildhibaan cali mareexaan waa nimanka bixiya sirta Madaxtooyada ee  waxaana dadka qaarkii u yaqaaniin suxufiyiintii kasoo warami jirtay qasriga madaxtooyda Somaliland sidoo kale  waa niman waxaas oo dhan u samaynayaa han siyaasadeed oo ah

Inbadan oo kamida bulshada hada waa ogaatay sirta ka danbaysa faafinta sirta qaranka oo ay labdaasi nin baahiyaan sababtuna ay tahay hankooda siyaasadeed ee guracan  kuna raadinaayan mansabka wasarada Madaxtooyada , waxaana ay habeen iyo maalinba ku hawlan yihiin isku dirka iyo kala qoqobka Masuuliyiinta Dawlada iyo Xisbiga, waana labada qof ee sirta bixiya islamarkaana ay samaale , cawil iyo Abiib timacad  galaydh kusoo qaateen khudbadahoodii xilwareejinta inay yihiin ku kala dilay  siina  iyo madaxweynaha  iyagoo sii maray marwada madaxweynaha si u gaadh siiso madaxweynaha

Waxaa ayaan daro ah in taladii Madaxtooyadu noqoto mid ay  kasoo tala bixiyaan raggaasi munaafiqiinta ah sidoo kale waa ta keentay in xisbi xaakimkii kala qeybsamo xafladdi u danbaysay koox gari isugu yimaadan, sababta  waxaana iska leh oo ku suntan Cali Mareexaan iyo Maxamed Xaashi .

Ismail Liibaan

Berbera_Somaaliland

ismailliiban@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here