Hargeysa (Ilays-News):- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxaa uu maanta xadhiga ka jaray xafis cusub oo xisbiga Waddani ka furtey xaafada 150 ka ee degmada 26 Junne magaalada Hargeysa .
Xaflad kooban oo loo qabtey xadhig ka jirista xafiiskan ayaa waxaa ka soo qeyb galay xildhibaano , saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Waddani , Haween iyo dhalinyaro waxaaa halkaasi laga jeediyey hadalo kooban oo ku taxaluuqa ahmiyada xafiiskan cusub
Ugu horeyn waxa madashaasi ka hadley gudoomiyah gobalka Maroodi-Jeex ee xisbiga Waddani , Marwo Faadumo Aadan , Xildhibaan Xoog Dr.Maxamed Cali iyo xoghaye Food Cade waxaana ay dhamaantood sheegeen in xafiiskani uu isku xidhi doono bulshada ku dhaqan xaafadan iyo xarunta dhexe ee xisbiga Wadani isla markaana waxaa ay shegen masuulyiintani in xafaadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa aanay siyaasiinta u kala xidhneen qof xisbi waliba uu ka heli doono waxii uu ka shaqeysto.
Gabo gabadii xafladan waxaa xadhig ka jarista ah hadlo kooban ka yidhi gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in muwaadin kasta oo rer Somaliland ah uu xaq u leeyahay xisbiga uu tagaayo isla markaana aanay jirin cid cid kale khasbi karta
Ugu danbeyntii gudoomiyaha ayaa waxaa uu xadhiga ka jaray xafiiskaasi cusub ka dibna waxaa uu socod lug ah ku soo dhex maray shaaric yada waa weyn ee xafaadaasi kuwaas oo ay hareeraha kaga jireen dhalinyaro u jeelan hogaamintiisa
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan