Garabkii Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Hadlay Ambiilka Ama Racfaanka Uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Ka Qaatay Go’aankii Ay Soo Saareen Gudidda Diiwaangalinta Ururada Siyaasaddu

0
18

 

Hargeysa(SaxilNews) -Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID kana mid ah garabka uu hogaaminayo musharax Jamaal Cali Xuseen mujaahi Cali Gurey ayaa ka hadlay ambiilka ama racfaanka uu ka qaatay gudooamiye Faysal Cali Waraabe go’aankii ay khilaafka xisbiga UCID kasoo saareen gudida diiwaangalinta ururada siyaasaddu iyo waliba dacwada uu maxkamadda sare u gudbiyay.

Mujaahid Cali Gurey waxa uu ka dhawaajiyay inay diyaar u yihiin inay garnaqa iyo xalinta khilaafka xisbiga UCID ay gaadho maxkamadda sare,waxaanu sidoo kale sheegay in Faysal Cali Waraabe ku tuntay isla markaana baal maray xeerkii xisbiga UCID isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi,

“Faysal tan iyo maalintii uu go’aanku soo baxay way cadayd inuu diidanaa,waayo danahiisa gaarka ah een sharci alle sharci uu u mari karaa ool ayaa wax kaste kal waynaa mar kastena kala wayn. Hadii la asturay oon ku tumashada xeerka xisbiga gudidu waxba kasoo qaadin malaha waaba nabsigii diinku soo siday ee xisbiga UCID ugu soo samrayay Ina Cali Waraabe’ eh aan kawada dhursugayno cadaalada maxkamadda sare,baryahan waynu ogayn oo waaxda garsoorka lagama dayrinayne ,go’aanka maxkamadda sarena wuxuu noqonayaa kama daynbays eh. Sidaa darteed hadii uu Faysal inoo dooray maxkamadda sare anaguna diyaar baan u nahay oo ka dayrin mayno”Sidaas ayuuu hadalkiisa kusoo koobay Mujaahid Cali Gurey.

Si kasteba ha ahaatee waxa hadana mar kale dib u istaadhmay khilaafkii ka dhex aloosnaa xisbiga UCID kaasi oo laba garan u kala jabiyay xisbiga,ilaa haddana lama garanayo halka uu sal dhigan doono khilaafkan ragaadiyay xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here