Hargeysa (SaxilNews) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta Deeq ka kooban kuraas iyo miisas gaadhsiiyay Dugsi waxbarasho oo ku yaalla Xaafadda Daami Ee Magaalada Hargaysa .
Waxaana Gudomiyuhu maanta booqday Dugsigaasi, isagoo ay wehelinayeen Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Yuusuf Googooye, Gudoomiyaha XIsbiga UCID Ee Gobolka Maroodijeex Cabdi Dool Kaariye, Xoghayaha Xidhiidhka Gobolada C/qani Salaf, Xoghayaha Warfaafinta Yuusuf Kayse C/laahi iyo masuuliyiin kale .
Ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ku dheeraaday, sida Bulshada ku dhaqaan Xaafadda Daami ay uga faro madhan-yihiin adeegyadii aasaasiga ahaa, waxaanu cod dheer ku sheegay sida loogu baahanyahay bulsho siman oo hesha adeeg siman .
Gudoomiyaha ayaa xusay in ay tahay markii labaad ee ay Dugsigan soo gaadhsiiyaan agab waxbarasho, isla markaana ay maanta ku wareejiyeen agab ka kooban lixdan kursi iyo miisaskoodi .
Yado Uu Gudomiyuhu Uhadnaqa Basra Ay jex Oo Qayb wayn Kaqadatay Qalabaynta Dugsiga
Waxa Isna Halaka Kahadlay
Suldaan maxamed Muse Nur (Suldan Abu Sufyaan)
oo ah masuul ku Astansan Waxqad Iyo Horumarinta Bul shadisa Oo gacanta ku hayaa Dugsigan ayaa amaan balaadhan u jeediyay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, isagoo ku tilmaamay in uu yahay Siyasiga kaliya Ee gacan ka gaysta, isla markaana caawiyaa dadka ku dhaqan Xaafadda Daami .
Sidoo kale wuxuu xusay in marar hore uu Gudoomiye Faysal Cali waraabe uu barbar istaagay isla markaana uu ku caawiyay Sidan oo kale Kuraas iyo miisas .
Suldaanka ayaa si wayn ugu mahadnaqay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, sheegayna in uu Gudoomiye Faysal Haysto Ducada Dadka Dan-yarta ah Ee Somalilland .
Sido Kale Wax Uu Suldanku Mahadnaq Baladhan Uso Jediyay Shirkada TalaSom Oo Qayb Libaxle Kaqadatay Dugsiga Quba Ee Xufdiga Quranka Karimka
Waxa Kalo Halaka Kahadlay Nabadon Xasan Awfarax Duba hulufo Oo Umahadnaqay Gudomiyaha Una Duceyay
Waxa Kakalo Yana Halaka Kahadashay
Hooyo ku hadlaysay afka waalidinta ayaa iyaduna si wayn uga mahad naqday deeqdaas uga timid Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .
SI kastaba ha ahaate Gudoomiye Faysal Iyo Suldan Abu Sufyanba Waxay Ugu Baqen Bulshada In Ay Isbar bartagan Danyarta Dugsiga Quba wax Ku baranaynsa
https://www.youtube.com/watch?v=YWTXGrKgT6M