Moqdisho (SaxilNews) :- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isku qabtay qodobo ka mid ah Dastuurka, kaasoo dhigaya muddo xileedka Madaxweynaha, marka la gaaro 10 September.
Warar lagu kalsoonaan karno oo ay heleyso Ilaysnews.com ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Jawaari ay hadalo kulul is dhaafsadeen furitaankii shirka Madasha Wada-tashiga qaran, markii laga hadlayay muddo kordhinta doorashada.
Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Guddoomiye Jawaari uu soo qaatay qodobo ka mid ah Dastuurka oo dhigaya in marka Madaxweynaha xilka ka dhamaado inuu xilka sii heynayo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Laakiin Madaxweynaha ayaa gebi ahaanba ka soo hor-jeestay hadalkaas, isla markaana ku dooday in haddii muddo kordhintaas jirto ay tahay in dowladda dhan ay sii shaqeyso, inta dowlad cusub la soo dooranayo.
Qodobka 91aad ee Dastuurka ayaa dhigaya in marka uu Madaxweynaha waqtigiisa dhamaado in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sii heynayo xilka, inta Madaxweyne laga dooranayo.
Madaxweynaha ayaa u arka tallaabadan mid maji xaabin karta halganka uu ugu jiro inuu dib u soo laabto, waxaana arrinta ugu weyn ee maalmahan la isku hayay ay aheyd marka la sameeyo muddo kordhinta labada bilood ee doorashada cida awooda dalka sii heyneysa, waxaana la soo qaadanayay qodobo kala duwan.
Shirka Madasha wada-tashiga qaran ayaa maalinta berri oo Axad ah si rasmi ah loo soo gaba gabeyn doonaa, iyadoo doorashada dib loo dhigayo labo bilood.
Kala guurka siyaasadeed ee uu dalka galay ayaa laga cabsi qabaa in Madaxda waqtigeeda sii dhamaanaya inay sameeyaan ku tagri fal awoodeed, waxaana xubnaha Xisbiyada siyaasada ay talo ahaan u soo jeediyeen in la dhiso Xukuumad xilka sii heysa marka uu si rasmi ah Madaxda hada jirta uga dhamaado.