Hargaysa (Saxil News.com)-Kulankan Casho Sharafta ah oo suxufiyiinta ka hawl gasha warbaahinta qaranka JSL ee gobolada iyo degmooyinka isla markaasina ah isuduwayaasha wasaarada warfaafinta ee isla goobahaasi ayaa waxa munaasibad balaadhan oo casho sharaf ah u qabtay qaar kamida haldoorka suxufiyiin haween ah oo ka hawl gala isla wasaaradaasi .
Waxana kulanka casho sharafta ahaa kusaabsanaa isla markaasina uu daarnaa sidii isbarasho guun ahi u dhex mari lahad dhamaan inta munaasibadani kulmisay ee hablaha munaasibadani ku maamuusay weriyeyaasha goobaha ka baxsan caasimada .
Hablaha munaasibadani qabashadeedu maskaxdooda kasoo maaxatay oo markaasi kala ah ,
1- Ikraan_Siciid_Diiriye
2- Salma_Baal_cadde
3- Warda_Axmed_Rooble.
Sadexdani hablood oo munaasibadani casho sharafta ahi soo qaban qaabiyay ayaa si wada jir ah u sheegay isla markaasina u tilmaamay inay uga dan lahaayeen isbarasho iyo xidhiidhaka mucaarafad xoogan oo dhex marta dhamaantood sidoo kalena la isga kaashan lahaa horumarinta iyo dardar galinta dhinaca hawlaha guud ahaantoodba ay da’yartani qaranka ay masuulka uga yihiin si markaasi bay yidhaahdeen Shaqada Culayska badan ee ay masuulka ka yihiin ay uga soo baxaan .
Waxay sidoo kale ka dhawaajiyeen inay munaasibadani wixii ka danbeeya warfidiyeyaashani laga sugayo loogana fadhiyo munaasibado iyo soo dhaweyno kale oo ay ku qaabili doonaan da’yarta dhigooda ah ee ka hawl gasha isla wasaarada warfaafinta JSL .
Top of Form
Bottom of Form
Qaar kamida suxufiyiinta ka hawlgala goobaha ka baxsan caasimada dalkani JSL ( Gobolada iyo Degmooyinka ) ayaa munaasibadaasi oo ka qabsoontay Hotel KAAH ee magaalada Hargeysa ka hadalay waxayna guud ahaantoodba si wada jir ah ugu mahad neqeen Hablahani , iyagoona tilmaamay inay munaasibadani noqon doonto mid markaasi taariikhda gashay , sidoo kalena bulsho badan tusaale munaasiba unoqon doonta .
Gebo gabadii munaasibadan ayaa kusoo dhamaatay jawi degen oo ka turjumaya farxada , weji furnaanta , toolmoon ee dhalintaasi wejiyadooda laga dareemayay oo markaasi uu ku lamaanaa kaftan iyo maad tiro badani .
Si kastaba ha ahaatee munaasibadan ayaa ahayd tii ugu horeysay ee nooceeda ahayd ee ka dhacday magaalda hargeysa ee loo qabto suxufiyiinta kala duwan ee ka kala yimi dhamaan gobolada dalkani JSL.
berbera2002@gmail.com
wwww.saxilnews.com