Hargeisa(Saxilnews) Waxa Maalintii Shalay ahayd Lagu qabtay Magaalada balli-Mataan Wanqashii Degmada Balli-Mataan Tasoo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiinta sadexda xisbi Qaran Wasiiro madax dhaqameed Dadwayne fara badan oo katagay Magaalada hargeisa Iyo marti sharaf kale
Munaasibadan Oo Ahayd Mid Bilnayd Ilyartuna Is Qabatay Ayaa wajiyada kasoo qaybgalayaasha Xafladan Waxaad kadareemaysay Farxad Iyo Soo dhawayn baladhan Oo Ay Uqabaan Degmadan Cusub Ee Uu Umagacaabay Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Ahmed Maxamed Siilaanyo
Khudbadaha Iyo Hadalada Xaflada laga jeediyay Ayaa Ubadnaa Duurxul Iyo Hambalyada Gobolkan Cusub
Waxaana masuuliyiinta meesha kahadlay ay kala xigtaysanayeen Beesha meesha dagta iyo Xigto ahaan intuu Nin waliba kazoo galo iyadoo Ujedadeedu ahayd Anaa Xaq Uleh Taageerada Deegaankan
Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye Ayaa Munaaasibada Xafladan Xidhiidhinayay Isaaga Oo Masuuliyiinta Munaasibada kahadli Doona Waraaq Ugu Qornaayeen Kana Akhriyaayay Mararka Qaarna Kuhafanaayay Habsami Usocodka Xidhiidhinta Munaasibada
Kasoo qaybgalayaasha Munaasibada Oo Aad Ubadnaa Ayaa Kolba Waxay Sacab Iyo Mushxarad Kusoo Dhawaynaayeen Kolba Masuulka Uholada hadalka Iyo Hambalyada Degmadan
Inkatoo Ay xafladu bilaabanatay Xili danbe Maadama Laysla Sugaayay Masuuliyinta kasoo qaybgalaysay Xafladan Ayaa hadana Masuuliyiinta vadankoodu waxay subaxnimadii hore Ka guura galeen Magaalada hargeisa
Taandho Wayn ayaa Loo Hadheeyay marti sharafta Kasoo qaybgalay xaflada Wxaana Si quruxbadan Loo Nashqadeeyay Halka Aysoo fadhiisanayaan masuuliyiintu Oo Lagu dhajiyay Boodh Wayn Oo Lagu xardhay Sawirka madaxwaynaha Qaranka Somaliland Iyo Erayo far waawayn lagu qoray oo loogu Mahadnaqaayo Md Ahmed Maxamed Siilaanyo Degmadan Uu U Gartay Dadka Dega Deegaankan
Waqtiga Oo Xili danbe Oo Barqo kudhawaad ah Darteed Waxa laguda galay Furitaanka Xaflada wanqalka Degmada Balli-Mataan
Iyada Oo Loogu horaysiiyay Madaxdhaqameed Iyo masuliyiin kale
Maxaa Kasoo Baxay Munaasibadii Wanqalka Degmada Balli-Mataan
QAYBTA DHAQANKA
- Masuuliyiinta Xaflada Kasoo qaybgashay Oo Bulshada Deegaankan Lakala Abtirsaday
- Madax Dhaqameedka Deegaankan Oo Lakala Saftay Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka
- Odayaasha Deegaanka Oo Si Iskumida Usoo Dhaweeyay Muxaafid Mucaaridba
QAYBTA SIYAASADA
- Gudoomiyayaasha Sadexda Xisbi Qaran Oo Si Iskumida Bulshada Deegaankan Usoo Dhaweeyeen
- Wasiirka Wasaarada Xanaanad Xoolaha Oo Bulshada Deegaanka Balli-Mataan Ay Uga mahadnaqeen Kaalinta Uu ka ciyaaray Magacabida Degmadan
- Taageerada Sadexda Xisbi Qaran Oodka Dhex Dareemaysay Bulshada
- Khudbadii Uu Kajeediyay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Xanbaarsanayd Taageero Uu Uhayo Degmadan Bali-Mataan Xisbi ahaana Haday talada dalka ku guulaystaan Ay Taageersanaan Doonan
- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Cadeeyay Mawqifkiisa Shirka Beesha Garxjis Kasoo Sheegay Inaanu Sinaba Utaageersanayn Shirkaas Iyo Qabsoomidiisa
- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Isna Halkaa Kasheegay inuu qaybkulaha magacabida gobolkan danwaynina ugu jirto
- Masuuliyiinta Dawlada Gaar ahaan wasiirada Xukuumada Oo Halkaa kamuujiyay taageerida ay lagarab gali donaan degmadan
- Siyaasi ismaaciil Buubaa Oo Laga Qadiyay Kalmaduu Kulahaa Madasha Siyaasi Ahaan
ANSHAXA IYO MAAMUUSKA XUBNIHII KASOO QAYBGALAY
- Masuuliyiintii kazoo qaybgalay maunaasibada Oo Si isku mida loogu soo dhaweeyay Xaflada
- Xaflada Oo Uu Xidhiidhinaayay Masuulka Tirsan Xukuumada
- Munaasibada Oo Ay Badankeeda Qaateen Masuuliyiinta Xukuumada Kasocotay
- Is Dhexyaac Iyo Maamuska Meesha Gaar ahaan Halka lafadhiisiyay Masuuliyiinta iyo Madaxdhaqameedka Oo Saluug ka Muuqday
- Baratakoolka Xidhiidhinta Oo Liitay Kadib markii Loo Dhiibay Masuul Aan Xirfad Ulahayn
- Kala Horaynta Khudbadaha Masuuliyiinta Oo Hore Loo Sii Qoray
- Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Baratakool ahaan Ahaa Masuulka meesha ugu sareeya maadama Uu Yahay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Oo Masuuliyinta Xisbiyada Loogu Horaysiiyay
- Shahaado Sharaftii Lagudoonsiinayay Sadexda Gudoomiye Xisbi Qaran Oo Laga Reebay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani
BALANQAADKII MASUULIYIINTA
- Gudoomiyaha Xisbiga wadani Oo Isagu kahoreeyay Gudoomiyayaasha kale ayaa Ku Deeqay Degmada 3000+1000 Oo Siciid Sulub isna kuyaboohay
- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ayaa isna ku Deeqay 5000
- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Isagu labada masuul Ee Kale kadanbeeyay Ayaa Ku Yaboohay 10’000
- Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Dhagax dhigay Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha
- Dhamaan Xubnihii Xukuumada Ka Socday Ayaa Iyaguna Midkastaa Balanqaaday Wixii kaga Aadan Wasaaradiisa Inuu Ku caawin Doono Degmadan
- Fanaanada Khadra Daahir Oo Balanqaaday Inay Guri Kadhisan Doonto Balli-Mataan
Sikastaba Ha ahaatee Xaflada ayaa kusoo dhamaatay Farxad Iyada Oo Masuuliyiinta dawlada Iyo Dadka kuyaboohay Taageerida Degmadan Looga fadhiyo inay sida ugu dhaqsaha badan Uga Jawaabaan Balanqaadkooda
Sidoo kale Gudida Horumarinta Degmadan Ayaa iyagana Looga Fadhiyaa Inay Kudaba Galaan Cidkastoo Balanqaad Samaysay