ISMAACIIL BUUBAA OO KA HADLAY IN INQILAABKA FASHILMAY EE TURKIGU SAAMAYN KU YEELAN KARO WADA HADALADA DALALKA SOMALILAND & SOMALIYA IYO ARRINTA NILE ACADEMY

0
21

 

Hargeysa ( SaxiLnews):-  Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan sameynta uu ku yeelan karo inqilaabkii fashilmay ee Turkiga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.

 

Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay inqilaabkaas Turkiga ee fashilmay iyo waxyaabaha laga baran karo, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya Inqilaabka fashilmay

“Inqilaabka ama Afgambiga dhicisoobay ee Dalka Turkigu dhiig ba ku daatay, dad ba ku dhintay, dadna badan baa ku dhawacmay, balse  waa tusaale muujinaya inay dalkaas  shacabkiisu aad iskugu xidhan yahay, waa mid muujinaya inay Dimuqraadiyadii si toos ah uga hirgashay,  maxaa yeelay marar badan oo hore ayaa Ciiidamada dalkaasi isku dayeen inay inqilaabaan Xukuumaddihii soo maray, dhammaantoodna wey ku guulaysteen balse Inqilaabkani wuu fashilmay, waxayna shacabka dadkaasi muujiyeen in aanay marnaba raali ka ahayn in Xukuumaddii ay soo doorteen in la rido, laguna rido Inqilaab, dalkana uu Ciidan xukun milatari xoog ku xukumo, waxaana aynu odhan karnaa Shacabka dalka Turkigu iyagoo bilaa hub ah ayey haddana awoodooda iyo kartidooda muujiyeen,aadna wey  u adag tahay in Inqilaab dambe la isku dayo”.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa mar aanu wax ka weydiinay inqilaabka Turkiga ee fashilmay iyo sameynta uu ku yeelan karo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ayaa ku jawaabay “Waa dhab oo Turkigu waxa uu gogol u fidiyey Somaliland iyo Somaliya, balse hadda mashquul buu ku jiraa, oo waxyaabo badan buu ka mashquulay, oo waxa uu ku mashquulsan yahay xalinta arimihiisa, madaama uu khatar galay, laakiin marka uu xaliyo arimahaas wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya halkii ayey ka sii socon doonaan,  waxaanan qabaa in arintani aanay sameeyn balaadhan ku yeelanayn arinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.”

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko go’aankii ay Dawladda Somaliya dalkeeda kaga saartay Hay’adda Nile Academy oo uu leeyahay Waddadkii lala xidhiidhiyo inqilaabkan,  aragtida  Xukuumadda Somaliland iyo Turkiga ayaa yidhi “Nile Academy, waxa leh waddadka lala xidhiidhinayo Inqilaabka fashilmay ee Turkiga, Dawladda Somaliya dalkeedii wey ka saartay, Somaliland-na wali kamay saarin, horena Xukuumaddu wey uga hadashay, waxaana dhab ah in Arday badan oo kumaanan ahi dhigato, Turkigu waxa uu doonayaa inuu Somaliland ka dhaadhiciyo inay dalkeeda ka saarto Nile Academy, laakiin hadba go’aanka ay Xukuumadda Somaliland ka qaadato ayey ku xidhan tahay.”

Source:- Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here