Hargeysa (Saxilnews) Deg Deg Isku Shaandheyntii Xalay Baaqatay Oo Markale Caawa Lasugayay Oo Suul Daarantay
kadib markii xalay madaxweynaha somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ay ku kala aragti duwanaadeen in lasoo saaro isku shaandheyn saameyn weyn kulahayd golaha wasiidarada sida wasaaradaha warfaafinta maaliyada ganacsiga arimaha gudaha iyo caafimaadka
waxaana gudoomiye muuse biixi u arkay in dadka ay saameynayso isku shaandheyntaasi yihiin dad ay hada ay wada galeen heshiis la xidhiidha sidi ay isaga udhisi lahaayeen waxaana madaxweynaha somaliland isagoo tix galinaya dalabka gudoomiye muuse kana xun waxa dhacay kuna farax sanay inay kor ubaxdo oo shacabka iyo wasiirada gaadho uu ka gaabsaday xalay isku shaan dheyntaasi
waxaana muuse biixi oo ay hareero socdaan sam sam cabdi aadan wasiirka maaliyada , cali axmed cali xoghayaha gaarka ee madaxweynaha ,iyo waliba baashe cawil safiirka sodoga looyahay ay koobyo tobonadi xalay tageen yagoo kawada baxay madaxtoyada munaasibad kasocotay hotelka ambasador oo looqabtay qurba jooga xisbiga kulmiye waxaanay muuse biixi ku garab siiyay in madaxweynaha uu ku qanciyo dibu dhigida isku shaandheyntan masuuliy uukamid ahaa baashe cawil
waxaanay sidaa kusoo afmeermay guuxi iyo sawaxankii iyo shir doceedyadii is daba jooga ahaa ee xalay madaxtoyada kasoconayay
waxaana markale madaxweynuhu u hin qaday qalinka sidii uu usoo saari lahaa isku shaandheyntaasi oo caawana ka baaqatay inay soo baxodo loona badinayo inay soo baxdo maalmaha soo socda