WAR DEG DEG AH”MUDAHARAAD RABSHADO WATA OO KA SOCONAYA DEGMADA SHEEKH IYO ISU SOCODKII GAADIIDKA EE BUURTA SHEEKH OO HAKAD GALAY+CIIDAMO TIRA BADAN OO KUSII QULQULAYA DEGMADAAS

0
18

Sheekh (Saxilnews.com)Mudaharaado rabshado wata ayaa abaaro 10:30 Subaxnimo ka bilaabmey Gudaha Magaalada Sheekh,

mudaharaad

Mudaharadayaasha ayaa gubaya taayiro iyagoo dhagxaana Ku xidhay wadada isku xidha Berbera iyo Burco, kuwaasi Oo sababey inay istaagaan isu socodka gadiidka dadweynaha ee u kale gooshaya gobolada dalka.

Ciidamada booliiska Degmada Sheekh oo kashana ciidamada milateriga ayaa ku hawlan daminta Iyo joojinta mudaharaadkan, waxaana Magaalada Berbera hadda kasoo baxay ciidamo xoojin ah Oo la filayo inay ka qayb galaan joojinta mudaharaadkaasi. sidoo kale waxa iyaguna dhinaca Degmada Sheekh u ambabaxay Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera kuwaas oo ay hogaaminayaan Gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed Iyo Gudoomiyaha Golaha deegaanka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamud Xasan(Cidin)iyo Taliyaha qeybta Booliska gobolka Saaxil kuwaas oo dhamaantood ka hawlgalaya daminta mudaharaadkaas oo la sheegay in lagaga soo horjeedo Xukunkii Maxkmada ciidamadu shalay ku riday nimankii ku eedeysnaa dilka Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Saaxil ee horaantii sanadkan lagu dilay buuralayda Biyoolay.

Mid kamida Bulshada degmada sheekh oo la soo xidhiidhay Warbaahinta isaga oo magaciisa in la sheego ka cudurdaartay ayaa sheegay in dadka mudaharaadayaa ku dhawaaqayeen eryo ay kamid yihiin doonimayno dawlad Qabiila oo Xukunka laysugu awood sheeganayo iyo xukun aan cadaalad ahayn oo dadkayga lagu qaado, waxa kaloo ay ku dhawaaqayeen sida uu noo sheegay goob joogahani Yuusuf Geeraash(Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamadu)waxa uu hore ugu nabad galay dilkii uu ku fuliyay Marxuum Korneyl Cabdillahi Xaaji Siciid ee Dharkayn Geeye.

Wararka aanu Degmada Sheekh ka helayno ayaa sheegaya in ilaa hada Jidka isku xidha Berbera iyo Burco kala xidhan yahay oo aan wax gaadiid ahi isaga gudbayn.

gaadiidka

Mudaharaadkan maanta ka dhacey Degmada Sheekh ayaa mudaharadayaashu ahayeen kuwo kaga soo horjedaan Xunka dilka ah ee maxkamada Ciidanku ay maalintii shaley ay ku xukuntay 8 nin Oo lagu tuhunsana dilka taliyihii qaybta Gooliiska Gobolka Saaxil Gashaanle Caseyr,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here