CALI MAREEXAAN IYO HIMILADII BAAQSATEY Maan-gaabinimada wasiirka hawlaha guud waxay guul darooyin waaweyn u soo hooysey dhamaan bahweynta xusbiga kulmiye

0
27

Hargaysa (Saxilnews.com)-maan-gaabinimada wasiirka hawlaha guud waxay guul darooyin waaweyn u soo hooysey dhamaan bahweynta xusbiga kulmiye waxaney gabogabeysay himaladii iyo rajadii xisbiga kulmiye iyo xukuumadiisu ka qabeen shacabka reer somaliland Wasiir mareexaan oo loo igmadey inuu sii ilaaliyo hadafkii ahaa isku tolanta beesha hj iyo xusbiga xukuumiga ah ayaa hada u muuqda mid majaro habaabiyey siyaasadii qaranka iyo kalsoonidii beeshiisu ku qabtey xusbul xaakimka kulmiye Cali mareexaan oo hada wariyihii labaad ee ushaqeeya TV ga qaranka jamhuuriyada Somaliland uu xabsiga ugu jiro sabab aan la garaneyn ayaan ilaa hada wasiirka warfaafinta qaranka jamhuuriyada Somaliland oo sharci ahaan ay hoos yimadaan dhamaan warfideyeenada ka hawl gala tv ga iyo warbaahinta kala duwan ee qaranka ayaan ilaa iminka ka hadal, wasiir cadaani oo lagu yaqaaney cadaalada iyo hadal adeyga ka madhan nin jecleeysiga ayaa ilaa hada ka aamusey xadhiga wariye cali mareexaan oo xabsiga dhexe ee magalada hargiesa. Wasiirka hawlaha guud mudane cali mareexaan oo aan khadka telephone ka kula xidhiidhney si aan uga wareysano waxa kalifey inuu xidho wariye ka hawlgala SLNTV , ‘wuxuu wasiirku bixiyey jawaab adag iyo hanjabaad’ hadalkaa oo ka madhan anshaxa iyo asluubta masuul qaran, Shabakadan wararka oo dabagashay dhibane mudane muniir ahmed cigaal, sababta loogu geeystay xadhiga ayaa ahayd mid salka ku haysa in wasiirku ka rabo dhamaan wariye yaasha beesha hj iney khasab kula shaqeeyaan hadii kale uu cagta hoostooda galin doono, “ILA SHAQEE AMA JEELKA LIINTA KU CABA” Arintan oo aan caqliga saliimka ahi aanu qadan Karin ayaa waxay hoos usii rideysaa rajadii iyo himiladii beesha haberjeclo ku qabtey xusbul xaakimka kulmiye, cadaadiska iyo gardarada gunimeysani waxay kaliftey in dhamaan dhalinyarada beesha haberjeclo ay iska wada xaadiriyaan xusbiga Wadani iyagoo uga dan leh in nidaamka hada xukuumada siilaanyo ay wadanka ku hagayso ay gabi ahaanba ka biyo diideen. Waxaana hada cadaatey in wasiirada beesha haberjeclo ay hanan kari wayeen in nidaamkii himilada dheeraa ay gabagbowdey. HOG modowna ku ridey rajadii iyo isdiyaarintii musharaxa xusbiga kulmiye muuse biixi cabdi ka qabey beesha haber jeclo, wasiirada hada ku jira xukuumada ee ka soo jeeda beesha bariga burco oo hada fara madhnaan ka taagan shacabkii degaanadooda iyadoo ay sabab u tahay musuqa iyo cadaalad darada wasiirada kaga jira beesha hj xukuumada talada haysa.

Fikirka Bulshadu Waa Muhiim Saxilnews.com Kama Masuul Ah Maqaalada Ka Yimaada Bulshada

M. C/laahi Aadan

Hargaysa -Somaliland

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here