Berbera(Saxilnews.com)-Waxaa Maanta Magaalo Berbera Deeq Mucaawino Ah Lagu Gudoonsiiyey Dad Agoomaha oo kamid ah dad ugu nuqul qaybaha bulshada ee ku dhaqan magaalada gaar ahaana caruurta Abaayashood Hijaabteen Alle Ha Naxariiste
Waxaa mnat farxad ahayd in manta mar kaliya ay meel isugu yimadaan afartan Caruur oo dhamaantoodba Faraxsan lana gudoonsiiyey Dharkii ay ciida kaga qayb qaadan lahaayeen maadama aduunka la wada faraxsan yahay maalintaasi
waxaana deeqaasi dharka ah ku deeqay Ururka Horumarinta Gobolka Saaxil ay ku midoobeen qurbajoogta gobolka iyo qoqoljoogtuba
talaabadan ayaa noqotay mid si wayn ugu farxisa bulshada qaybaheeda kala duwan gaar ahaana Caruurta Agoomaha ee ku dhaqan magaalada
Waalidiinta oo saxaafada la hadlayey iyagoo wajiyadooda farxadi ku muuqato ayaa uduceeyey una mahadnaqay cid kastoo ka qaybqaadatay barnaamijkan kaalmada agoomaha ee magaalada Berbera
talaabooyinkan ayaa qayb ka ah olole ay wadaan ururka horumarinta gobolka saaxil laguna caawinayo dadka jilicsan iyo agoomaha ku dhaqan magaalada Berbera waxay horseed utahay sidii ay Bulshadu uga qaybqaadan lahayd caawimada dadkooda baahan ee la nool
By: Mukhar A.Mahoud
Contac Uss :berbera2002@gmail.com