Hargaysa (Saxil Newska dib markii ay adkaatay in laysugu yimaado shirkii wadahadalada somaliya iyo somaliland qodobo xasaasiya dartood, arrintaasi waxy keentay inay baaqatay ama meesha ka baxday kulankii gaar ka ahaa ee gudiyada farsmo ee Arrinta hawada isugu iman lahaayeen si loo meel mariyo Heshiiskii hore loo wada gaadhay.
Shirkan farasamo ee dhinaca hawada waxa u yimid magalad istanbul wafti culus oo ka socda Hayada Duulimaadayada Caalamiga ah ee loo yaqaan ICAO oo loogu talo galay inay goob joog ka ahaadaan wada hadalada gudiyada farsamo ee dhinaca hawad. Maanta oo ay bishu tahay 02/03/2015 waxa Hotelka weyn ee Conrad ee magalada istanbul shir gaar ah ku qatay Waftigii ka socday Hayada ICAO e uu hogaaminayay Ivana Galan oo ah agaasimaha Waaxda Farsamada ee ICAO( TCB) IYO Xubnihii gudida farsamada arrinta hawada ee dhinaca somaliland oo ka kooban wasiirka duulista hawada Maxamuud xaashi cabdi iyo wasiirka Hawlaha Guud C/rasaaq Khaliif axmed iyo Agaasimaha Waaxda Duulista siciid mahdi ileeye.
kulankaasi oo ay labada dhinac isku xog warysteen kuna qaada dhigeen carqaladaha iyo dhibaatooyinka ku xeeran xil wareejinta mashruuca maamulka Hawada somaliya iyo somaliland ee ay hada gacanta ku hayan qaramada midoobay fadhiga looga arimiyaana yahay magalad nairobi. mashruucan maamulkiisu waa mid ay somaliland iyo somaliyaba marti uga yihiin Qaramada midoobay cid gaar loogu wareejiyayna ilaa hada aanu jirin, isla markaana mudo saddex sanadood ee so socda ay gacanta ku hayn doonaan iyagu sida ay shirkaa ka cadeeyeen. taasoo u jeedadu tahay in mudadaa la dhiso aqoonta iyo tayada shaqalaha iyo qalabka somaliya iyo somaliland in xeerar loo sameeyo lagu maamulo hayadaha ay khusayso , in la xaliyo khilaafadka ku xeeran ee u dhaxeeya labada dawladood ee somaliland iyo somaliya. Gudidda farsmo ee arrinta hawada somaliland waxay u cadeeyeen si aan laleemo iyo labac-labac toona lahayn in aanay dal ahaan marnaba aqbalayn in maamulka hawada somaliland lagu wareejo somaliya oo ay iyagu kaligood maamulaanda .
sidoo kale waxay u gudbiyeen mawqifkooda ma guuranka ah ee ay u arkaan xalka kama danabaysta waxaan ka mid ah 1. In la meel mariyo wixii lagu heshiiyay Shirkii Istanbul
1, kaasoo nuxurkiisu yahay in maamulka hawada somaliya iyo somaliland loo sameeyo gudi madax baanaan oo maamusha fadhigooduna uu yahay Magalada Hargeysa, si kale markan u dhigno FIR-ka waxa lagu rakibayaa magalad Hargeysa lagana maamulaya
2. In Somaliland iyo Somaliya dal walba gaar loogu wareejiyo maamulka hawadooda .
Gudida wada hadalada somaliland ee uu Gudoomiyaha u yahay Wasiirka Ariimaha Dibada somaliland Maxamed Bixi yoonis waxa uu aaminsanyahay kuna qanacsan yahay i hadii qodobadan kor ku xusan la meel marin waayo in qarmada midoobay oo gacanta ku sii haysa mashruucan ay xalalka ka mid tahay.
Saxil News.com
berbera2002@gmail.com