Wasiirka Maaliyada Somaliland Ayaa Saaka Sheegay Inuu Diiday Xilkii Wasaarada Waxbarashada Ee Loo Magacaabay “

0
22

Hargaysa (Saxil News.com)-

Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo hore u ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa diidan inuu qabto xilka cusub ee uu xalay u Magacaabay Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

Wasiir Samaale oo isku shaandheyntii xalay loogu Magacaabay Wasiirka cusub ee wasaaradda waxbarashada ee Somaliland, ayaa ku gacansaydhay isla-markaana caddeeyay inaanu ku qanacsanayn qabashada xilka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland.

Wasiir Cabdicasiis Samaale oo xilka Wasaaradda Maaliyadda laga qaadey isla-markaana loo Magacaabay wasaaradda waxbarashada isagoo safar shaqo ku jooga Magaalada Burco ayaa laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay inaanu ku qanacsanayn xilka cusub ee loo Magacaabay, taasi oo uu ku sababeeyay inaan lagala tashan isla-markaana aan waxba laga waydiin wasaaradda cusub ee loo beddelay.

Samaale

Idaacadda BBC-da ayaa qodobbada wararka ee baahinteedii fiidnimo ee caawa ku soo dartay in wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale u sheegay inaanu xilka cusub ku qanacsanayn, laakiin faahfaahinta warkaasi ayaanay idaacadda u suurto-galin inay soo dhamaystirto ama ay dhageystayaasha maqashiiso wareysiga uu Wasiir Samaale sidaa ku sheegay.

 

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here