In ka badan afar milyan oo qof ayaan haysanin biyo nadiif ah, waxaana magaalada Santiago dhex sabaynaya biyo.
Roob laxaad leh oo ka da’ay dalkaasi ayaa sababay in in biyaha ku jiray wabiga Mapocho ee dalka Chile uu fatahay ka dib markii uu karkaarada jabiyay
Daadadka fatahay ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay galaafteen nolosha hal, dad kale oo tiro badana ay baro kiciyeen.
Dadka deegaanka oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in ay nafahooda u baqanayaan isla markaana ay ka cabsi qabaan in uu khasaaruhu intaasi kaga sii bato.
Dawlada hoose ee magaalada iyo ciidamada Booliska ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin samata bixinta dadka, waxaanay u sheegeen in aanay ka soo bixin guryahooda iyo meelaha gabaadka u ah