WASAARADDA CIYAARAHA OO AFKA KA XIDHATAY KA HADALKA DHALINYARADII REER SOMALILAND EE KU HALIGMAY BADDA

0
22

Hargeysa(Saxilnews.com)-Wasaaradda ciyaaraha Somaliland iyo daladda dhalinyaradda heer qaran ee Sonyo ayaa si wada jira uga muquurtay ka hadalka dhibaatooyinka nololeed ee la soo darsa dhalinyaradda reer Somaliland gaar ahaan kuwa badaha ku haligmaya.

wasaarada ciyaaraha

Waxa xusid mudan in todobaadkii hore 6 dhalinyaro ah ay kala liqeen badda berbera iyo badda lughaya halka maalintii daraadna ay bada ku haligmeen dhalinyaro reer Somaliland ah oo ka tagtay dalka masar kuna sii jeeday qaaradda yurub

Madaxwaynaha Somaliland xildhibaano iyo siyaasiyiin ka kala tirsan axsaabta ayaa eheladda dadkii ay ka baxeen iyo qaranka somalilandba ka tacsiyadeeyay dhalinyaradaas, balse wax ail;aa hada afka ka xidhay inay ka hadlaan dhibaatadaas ku habsatay dhalinayaradaas aan ka hadal ilaa hadda haayadihii ku shaqadda lahaa ee ay ugu horaysay wasaaradda dhlinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland oo noqotay wasaarad fadhiid ah tan iyo intii la keenay agaasimaha curdinka ah ee maxamed dhabeeye oo aan ahayn shakhsi garanaya masuuliyadda qaran ee loo igmaday

Marka laga yimaado wasiiro tiro badan oo madaxwaynuhu si isdaba jooga iskugu badalayay kuwaasoo 6-dii biloodba mar la bedelayay

Wasaaradda dhalinyradda iyo ciyaaraha ayaa ah wasaarad muhiimad wayn ugu fadhida qaranka balse madaxwaynaha Somaliland ilaa hadda aanu u soo magacaabin masuuliyiintii ka soo bixi lahaa waajibaadkeeda shaqo

Madaxwaynaha Somaliland oo ah masuulka ugu sareeya qaranka ayaa dhaliisha ugu wayni dul hooganaysaa maadaama oo ay maalin walba dhalinyaradii reer Somaliland ku haligmayaan badaha wasaaradihii qaranka ee ku shaqada lahaana madaxwaynuhu aanu garan masuuliyiintii uu u soo magacaabi lahaa ee qorshe iyo nidaam dhalinyaradda lagaga jihaynayo tahriibka dhisi lahaa

Si kastaba ha ahaatee madaxwaynaha somaliland waxa la gudboon Inuu xilwayn iska saaro sidii wasaarada dhalinyaradda iyo ciyaaraha ugu soo magacaabi lahaa masuuliyiin ku haboon si nidaan jiho loogu helo dhalinyaradda baddaha ku haligmaysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here