Hargeysa, (Saxilnews.com)-wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland cali maxamed warancade ayaa soo saaray wareegto uu ku amrayo hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa bannaan inay adeegyada ay bixinayaan ay waajib tahay inay ku xidhaan kaadhka aqoonsiga muwaadinka Somaliland.
Wasiirka ayaa soo saaray wareegtadan oo ku taariikhaysan 31kii bishii march ee 2016, waxaanay u dhignayd sidatan:-
Markuu arkay baahida loo qabo in la kala saaro muwaadiniinta iyo dadka ajanabiga ah.
Markuu arkay baahida loo qabo ilaalinta nabadgelyada dalka iyo muwaadiniinta reer Somaliland.
Markuu garwaaqsaday in ay lagama maarmaan tahay in dhamaan hay’adaha dawladu iyo kuwa madaniga ahba inay ku dhaqmaan meelmarinta iyo fulinta shuruucda dalka.
Wuxuu amrayaa
Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 01.04.16 waxa lagu wargalinayaa dhamaan hay’adaha dawliga ah iyo kuwa madaxa bannaan in adeegyada ay bixinayaan ee ay u qabanayaan muwaadiniinta haddii ay tahay sharciyada dhulka, liisamad baabuurta, iskuulada, jaamacadaha, cusbitaalada, hudheelada, xawaaladaha, macradada baabuurta lagu iibiyo ama lagu kireeyo iyo dhamaan wixii adeega ee laga fulinaayo dalka gudihiisa waxa waajib ah in lagu xidho aqoonsiga muwaadinka ee (ID Card-ka muwaadinka),
Si loo sugo qof adeega loo samaynayo cidda uu yahay iyo waxa uu qabto.
Dadka ajaanibka ah ee ku sugan dalka gudihiisa iyagana waxa lagu xidhayaa aqoonsiga dal ku jooga ay bixiso waaxda socdaalku (Immigration), sidoo kale ciddii sidata baasaboor iyo dal ku gal (Entry visa) aan waqtigiisu dhicin, qofkii aan sidan aqoonsi ciddii adeeg u fulisa waxa uu noqonayaa dambiile qaran, waxaana laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.
Sidoo kale dadka ku dhex safraya dalka gudihiisa waa in lagu xidhaa aqoonsiga muwaadinka ee (Id card-ka), isla markaana shaqaalaha ka shaqeeya dhamaan xarumaha ganacsi iyo xarumaha dawladu waa inay haystaan aqoonsiga muwaadinka ee ID CARD-ka, cid kasta oo shaqo siisa qof aan haysan aqoonsi waxa uu noqonayaa dambiile.
Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda kor ku xusan waxa waajib ah ku dhaqanka wareegtadan.
Allaa Mahad Leh
Cali Maxamed Warancade
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Saxilnews.com