Home Warar Articles Waraysiyo Ciyaaro Diinta Faallooyin Featured Contact us BERBERATODAY.COM HAYADDA CAAFIMAADKA ADUUNKA OO DAHA KA QADAY IN TAHRIBAYAAL WAXYEELO XOOGAN UGAYSATEEN CIDANKA DAWLADA MACEDONIA

0
24

Xaduuda-Macedonia-740x481Macedonia(Berberatoday.com)-Ha’yada caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in ku dhawaad 300 oo muhaajiriin ah ay waxyeelo kasoo gaartay ka dib markii ay booliska Macedonia u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka qiiqa, xilli ay dadkaasi isku dayayeen in ay xoog uga gudbaan soohdinta uu dalkaasi la wadaago Giriiga.

160410173040_migrants512

Sarkaal ka tirsan MSF ayaa sheegay in 200 oo muhaajiriin ah laga daweeyay dhibaato dhanka naqaska ah, halka 30 kale laga daweeyay dhaawacyo kasoo gaaray rasaasta cinjirka ah.

Dhalinyaro muhaajiriin ah ayaa dhagaxyeeyay booliska Macedonia ka dib markii ay ka horjoogsadeen in ay duumiyaan derbiga xuduuda ku yaalla.

Dabeyl halkaasi ka jirtay ayaa sababtay in sunta ay booliska adeegsadeen ay gaartay xero qaxooti oo ku taalla dhanka Giriiga oo ay ku noolyihiin 11 kun oo qaxooti ah, kuwaasi oo halkaa ku xayiran tan iyo markii ay dalalka loo yaqaano Balkan ay xireen marinkii muhaajiriinta ugu gudbayeen waqooyiga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here